Farmaajo oo dalka kusoo laabtay xilli la xiray mas'uuliyiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib safaro kala duwan oo uu ku kala bixiyay dalalka Jabuuti iyo Turkiga.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa Wafdiga Madaxwaynaha si diiran ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee dalka.

Dalka Jabuuti intii uu ku sugnaa wuxuu kula kulmay dhigeesa Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen adkeynta xiriirka labadda dowladood, kaasoo mad-madow geliyay baaq uu Farmaajo u diray Qaramadda Midoobay isaga oo Eritrea ku sugan oo ahaa in Asmara laga qaado cunaqabateynta iyo xayiraadaha saaran tan iyo 2009.

Baaqan oo ay si wayn uga carootay dowladda Jabuuti ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradeeda Muqdisho lagu dhaliilay, inkastoo kulanka Farmaajo iyo Geelle kadib ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas in xiriirka yahay "mid fiican".

Sidoo kale, Madaxwaynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Turkiga oo uu u tegay ka qaybgalka shir-waynaha Xisibiga talada haya ee AK Party ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan oo noqonaya midkii saddexaad oo ay wada yeeshaan dhinacyaddaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray is-aragooda xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda oo dowladda Farmaajo mucaarad xoog leh ay wajaheyso.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka leyskula soo hadal-qaaday hadalo maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo ku saabsan inuu Xasan Sheekh kusoo wajahan yahay Muqdisho, uuna ku dhawaaqayo isbaheysi mucaarad ah.

Sidoo kale, fahfaahinadda ayaa tibaaxaya in Ishabeysiga mucaaraadka ah ee uu Xasan Sheekh hogaamin doono uusan qayb ka ahaan doonin Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, kaasoo la fahansan yahay inuu yahay mucaaradka ugu xoogan dowladda hadda jirta.

Booqashadii Farmaajo ee Turkiga ayaa noqoneysa midii labaad muddo Labo bilood gudaheeda ah, maadaama bishii lasoo dhaafay uu u tegay caleemo-saarta Recep Tayyip Erdoğan oo dib loo doortay, markaasoo uu lasoo kulmay Xasan Sheekh Maxmuud.

Intii uu dalka ka maqnaa Madaxweynaha, waxaa xabsiga la dhigay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxii Laanta Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Dekedda Muqdisho. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM