Farmaajo oo darjada ciidan ka dhigay Cabdalla, kana saarey NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aadarajooyinkii ciidan ka dhigay Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, kana saarey Hay'adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA.

Cabdalla ayaa laga xayuubiyay darajadii uu lahaa oo ahayd Sarreeye Guuto, kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xuseen Cismaan Xuseen, oo horey shaqada uga joojiyay.

Sarkaalkan eryidiisa iyo darajo ka qaadista lagu sameeyay ayaa timid kadib markii dhawaan Wareysi uu siiyay VOA-da daboolka uga qaadey hab-dhaqanka Taliska NISA, oo uu sheegay inay ka buuxaan xubno katirsan Al-Shabaab, oo xogaha u gudbiya.

Waxa uu Cabdalla tusaale usoo qaatey weerarkii bil kahor lagu jabsaday Xafiiskiisa ku yaalla xarunta NISA, ee Habar-Khadiija, oo uu sheegay in xubanaha Al-Shabaab ee kamidka ah Hay'addan kala baxeen dukumintiyo xasaasi ah, oo khatar gelin kara amniga.

Cabdalla ayaa kasoo mid ahaa NISA mudo 6 sano ah, wuxuuna tilmaamay in shaqa ka joojintiisa aan lagu soo wargelin, oo uu ka arkay baraha bulshada iyo warbaahinta, taasina ay meel ka dhac ku tahay nidaamka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u magacaabey Fahad Yaasiin, agaasiimihii Villa Somalia, inuu noqday Taliye ku xigeenka NISA, isagoo u gacan-geliyay awoodda hay'adda, oo hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada ay ku eedeeyeen in la siyaasadeeyay shaqadeeda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM