Farmaajo oo ka baaqday Shir madaxeedka Midowga Africa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shir madaxeedka Madaxda dalalka Midowga Africa uga furmaya maanta magaalada Addis Ababa, ee xarunta wadanka Itoobiya.

Waxaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku matelaya Shirka aan caadiga ahayn ee 11aad ee Midowga Africa wafdi uu hogaaminayo, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Shirka oo socon doona labo maalmood [17-ka iyo 18-ka November] ayaa arrimaha looga hadlayo kamid ah hannaanka dib-u-habeeynta hay'adaha Midowga Afrika oo ay ka mid yihiin dib-u-habeeynta Guddida Midowga Afrika, awoodaha Hay'adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA) iyo maalgelinta Ururka.

"Aniga iyo Wefti aan Hogaaminaayo Waxaanu maanta gaadhnay magaalo madaxda Ethiopia ee Addis ababa Halkaas oo aanu kaga qayb gali doono Shir Madaxeedka Midowga Africa," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska Madaxweynaha wali kama uusan hadlin sababaha uu Farmaajo uga baaqsaday Shir madaxeedka Midowga Africa, balse waxaa xusid mudan in Madaxweynaha uu maalmo kahor kasoo laabtey Itoobiya, oo uga soo qeybgalay Shir saddex geesood ah.

Tan iyo markii uu isbedelka ka dhacay Itoobiya, xiriirka Villa Somalia iyo Xukuumadda Abiy Axmed ayaa ah mid wanaagsan, iyadoo Farmaajo heshiisyo kala duwan la galay Eritrea iyo Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM