Farmaajo oo ka baaqday Shir madaxeedka Midowga Africa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shir madaxeedka Madaxda dalalka Midowga Africa uga furmaya maanta magaalada Addis Ababa, ee xarunta wadanka Itoobiya.

Waxaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku matelaya Shirka aan caadiga ahayn ee 11aad ee Midowga Africa wafdi uu hogaaminayo, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Shirka oo socon doona labo maalmood [17-ka iyo 18-ka November] ayaa arrimaha looga hadlayo kamid ah hannaanka dib-u-habeeynta hay'adaha Midowga Afrika oo ay ka mid yihiin dib-u-habeeynta Guddida Midowga Afrika, awoodaha Hay'adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA) iyo maalgelinta Ururka.

"Aniga iyo Wefti aan Hogaaminaayo Waxaanu maanta gaadhnay magaalo madaxda Ethiopia ee Addis ababa Halkaas oo aanu kaga qayb gali doono Shir Madaxeedka Midowga Africa," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska Madaxweynaha wali kama uusan hadlin sababaha uu Farmaajo uga baaqsaday Shir madaxeedka Midowga Africa, balse waxaa xusid mudan in Madaxweynaha uu maalmo kahor kasoo laabtey Itoobiya, oo uga soo qeybgalay Shir saddex geesood ah.

Tan iyo markii uu isbedelka ka dhacay Itoobiya, xiriirka Villa Somalia iyo Xukuumadda Abiy Axmed ayaa ah mid wanaagsan, iyadoo Farmaajo heshiisyo kala duwan la galay Eritrea iyo Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 11:05AM

Beledweyne: Qarax xooggan oo ka dhacay maqaaxi, iyadoo ay ku dhinteen saddex qof

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Beledweyne ama hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 07:38AM