Farmaajo oo ka hadlay doorashada 2020 xili looga digayo muddo kororsi

Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, US - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Mareykanka ayaa wuxuu khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan loogana doodey arrimo quseeya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wuxuu soo qaadey kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, dagaalka AlShabaab, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalka.

"Waxaa nooga go'an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsi iyo mid hay'ad; in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda".

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Qorshahan waxaa wadajir uga wada shaqeynaya Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

"Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha".

Wuxuu intaasi ku daray madaxweynuhu: "Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah". Soomaaliya ayaa fileysa in 2020-ka ay qabato coddeyn qof iyo cod ah.

Hadalka dhanka doorashooyinka ee Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan eedeymo ku saabsan in maamulkiisu qorsheynayo muddo kororsi marka uu dhamaado mudada xileedka haatan uga dhiman sanad iyo bar.

Hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika ayaa nan ka jawaabin eedeyntaas oo ka imaanaysa dhinacyo kala duwan oo kamid ah saamileyda siyaasadda qaranka.

Madaxweynaha ayaa maanta marka goor-sheegtadu ka tahay Geeska Afrika 8-da illaa iyo 9-ka xiliga qadada wuxuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinayaa shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM