Farmaajo oo ka hadlay go'aan la isku khilaafay oo BF kasoo baxay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo dowlad dhiska dalkeenna, isaga oo ku booriyey shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay markasta tusaaleystaan dowladnimadii iyo dal jacaylkii halgameyaashii SYL, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen mustaqbal iyo dal wanaagsan.

“Waxaan leenahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, taas oo ay noo horseedeen halgameyaasheenii maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna kana fogaanno qabyaaladda oo aan ognahay meesha ay na dhigtay”.

Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna ku bogaadiyey isxilqaamayaasha Shaqaalaha Rayidka ah, ganacsatada iyo howlwadeennada Gobolka Banaadir doorka wanaagsan ee ay ka qaateen hirgelinta Ololaha Isxilqaan.

Hogaamiyaha oo xus iyo duco u gaar yeelay halyeeyadii u shahiiday iyaga oo dalkeenna u adeegaya, ayaa Alle naxariis iyo dambi dhaaf u weydiiyey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo hormuud u ahaa Isxilqaameyaasha Gobolka Banaadir ee ay ka go’an tahay soo celinta bilicda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha danta guud ee Caasimadda.

Sidoo kale, wuxuu ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo aqbalidda codsigiisii ku saabsanaa xaqiijinta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo bulshada Caasimaddu ay sanaddo badan ku taamayeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa oo ka jawaabay dareenka dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iyaga oo tixgalinaya codsigaygii ansixiyey metalaad gobolku ku yeesho Aqalka Sare. Inshalaah waan sugaynaa dhaqan galinta matalaadda".

Go'aanka uu Aqalka Hoose kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir ayaa dhalisay khilaaf iyo in maamulada dalka qaarkood ay qaadacaan Shirka Amniga Qaranka ee ka dhici lahaa Muqdisho.

Xeerkaan ayaa kamid ah afar sharci kale oo horyaala Golaha Shacabka kuwaasoo xudun u ah khilaafka ka taagan doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21, taas oo Villa Soomaaliya diidan tahay in laga wadahadalo.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dano siyaasadeed ka leedahay qorshahaan kuna raadineyso muddo kororsi isla markaana ay ku kala qeybiso bulshadda.

Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay hormuudka mutadawiciinta Ololaha Isxilqaan, Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Guddoonka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM