Farmaajo oo ka qeybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha Koonfur Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.

Farmaajo ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika, Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Hogaamiyaha dalka ayaa inta uu ku sugan yahay wadankaasi waxa uu kulan doceedyo la yeelanayaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.

Ramaphosa oo ah hogaamiyaha xisbiga ANC ayaa waxaa doortey Arbacadii lasoo dhaafay Xildhibaanada baarlamaanka dalkiisa, iyadoo aysan jirin cid kula tartantay kursiga, waxaana lagu wadaa in todobaadka dambe uu soo dhiso xukuumaddiisa.

Doorashadii ayaa ka dambeysay markii Xisbigiisa uu ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka kadib doorasho baarlamaani oo dhacday 8-dii bishaan May. 

"[Wuxuu] kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, oo nuqul kamida lasoo gaarsiiyey Garowe Online.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur gelaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gedaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade].

Dhanka kale, Mr Fuursade ayaa kahor socdaalkiisa Koonfur Afrika wuxuu Muqdisho kulan kula yeeshay madaxda ugu sareysa howlgalka Mareykanka ee Muqdisho.

Fahfaahinta kulankaasi wali lama soo bandhigin, balse warar ayaa sheegaya in uu daarnaa is-barasho iyo adkeynta cilaaqaadka labada dowladood ka dhaxeeya.

Villa Soomaaliya + GO

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM