Jamaacada Ummadda soo saartay dufcadii koowaad kadib burburkii

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

“Waddankeennu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay'adaha waxbarashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruuf adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka berri, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummdadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda Jaamacadda burburkii ka dib ayaa tiro ahaan gaarayey 131 kuwaas oo dhammaystay kulliyadaha Sharciga, Dhaqaalaha, Beeraha, Waxbarashada, iyo Xanaanada Xoolaha.

Munaasabadda qalinjabinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, diblomaasiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga Marwo Emanuela C. Del Re iyo marti sharaf kale.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM