Farmaajo oo la kulmay dhamaan madaxda dowlad goboleedyadda

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Kadib sanad wadashaqeyn la'aan ah, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay dhamaan hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda wadanka ee ku sugan Dhuusamareeb.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo bedelay mowqifkiisa qabashada doorasho ay ka heshiiyeen daneeyeyaasha ayaa kasoo dhex-muuqdey kulanka.

Sidda ay xaqiijinayaan warar kala duwan oo xog ogaal ah, wadahadalkan ayaa wuxuu horudhac u yahay shirka loo-dhan-yahay ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda.

Illaa iyo haatan ma jiro, waqti rasmi ah oo loo qorsheeyay in uu furmo shirka-madaxeedkaas, marka laga reebo warbixino qeexaya in uu dib u dhacay maanta oo lagu wadday in uu furmo.

Natiijo la'aan ay kusoo dhamaadeen shirar gaar-gaar ah oo madaxdu ka yeelatay ajendaha shirka iyo tabashooyinka ay tirsanayaan qaar kamid ah maamulada ayaa loo aaneeyay baaqashada.

Shirka Dhuusamareeb oo Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay indhaha ku hayaan ayaa kasoo baxay kulan ay madaxda maamulada ku yeesheen isla Dhuusamareeb, horaantii bishaan July.

Madaxda maamulada ayaa isku raacay in 2020-21 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku baaqay in heshiis mideysan laga gaaro nooca lagu galayo coddeynta nagu soo fool leh.

Madaxda dowladda federaalka ah oo wajahaya eedeymo ku saabsan doonista muddo kororsi ayaa wali ku taagan mowqifkooda ah in la aado doorasho qof iyo cod ah, waxaana arrintaas mugdi gelineysaa natiijada shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM