Farmaajo oo la kulmay Taliyeyaasha ciidanka kadib Qaraxyadii Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah isagu yeeray maanta taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, kadib markii saddex qarax ay ka dhaceen Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay.

Mid kamid ah howlwadeenada Villa Somalia, ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu faray taliyeyaasha in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.

Kulnka waxaa kasoo muuqday taliyeyaasha Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo aan kasoo qeybgalin agaasime ku xigeenka NISA, Fahad Yaasin, oo xilligan ah taliye ku xigeenka hay'adda kadib markii uu is-casilay bishii lasoo dhaafay Taliye Calool-Kuus.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli aan jirin mas'uul katirsan hay'adaha amniga dowladda, oo su'aallo laga waydiiyay fashilka amniga ee ka jira Muqdisho iyo sida Al-Shabaab ugu suura-gashay in ku fuliso qaraxyada iyadoo ay wadooyinka ciidamo joogaan.

Waxaa sidoo kale su'aallo la iska waydiinayaan sida Kooxdan argagaxisada xiriirka la leh Al-Qaacida ay ku heshay tuutaha ciidamada amniga dowladda, oo abuuray shaki ah inay jiraan mas'uuliyiin si hoos ula shaqeeya Al-Shabaab oo kamid ah maamulka Farmaajo.

Shan dabley ah, oo ku lebisan dareeska guutada 14-ka October, oo lagu aas-aasay baaqii Farmaajo qaraxii Zoobe kadib ayaa isku dayay inay gudaha u galaan Saxafi hotel, oo ay degan yihiin mas'uuliyiin iyo Xildhibaanno, balse laga hortagey.

Ku dhawaad 60 ruux oo ay ku jiraan saraakiil iyo mulkiilahii Saxafi hotel, C/fitaax Cabdirashiid Il-qeyte ayaa lagu dilay labo qarax oo ka dhacay afaafka dhisamaha hotel-ka oo ku yaalla kasoo horjeedka xarunta CID-da, kuna dhaw Isgoyska KM4.

Tan iyo markii la doortey Febuary 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa u sameeyay shacabka balanqaadyo dhanka amaanka ah, oo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay xaalado dagaal iyo guluf Al-Shabaab dalka oo dhan looga saaryo, kuwaasoo hadda u muuqda inay noqdeen hal-bacaad lagu lisay.

Muqdisho oo ah xarunta dowladda Federaalka ay ku shaqeyso ayaa ah meesha uguu amniga xun xilliga Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wali awoodda inay weeraro culus ka fuliso meel kasta oo kamid ah magaalada, oo aqalka Madaxtooyada kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM