Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu horboodayo ololaha muddo kororsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda ugu sareysa waddanka ayaa shirar is-daba-joog ah ka yeelanaya doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21, sidda uu shaaciyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyey in ajendaha ugu weyn ee shirarkaas ay yihiin muddo kororsi ay sameystaan hogaanka waqtigu ka dhamaanayo.

"Maalmahan Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo," ayuu hadalkiisu raaciyey Warsame.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay "in uu hor-muud u yahay" ololaha waqti ku darsiga ee sidda weyn looga digay.

"Madaxweynaha oo arrinkaan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan afateenaan iyo adeer Madera isku raacno cid kale looma baahna," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray: "Haddii dalkaan afar nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsanayaa. Ee Soomaaliyey haddii afartaas nin Dastuur iyo doorasho diidaan sow la mid maaha 'Juxihii laantii uu saarnaa jarayey'".

Hadalka Warsame ayaa kusoo aadaya xilli gudoonka baarlamaanka federaalka uu dib-u-dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad iyo warbixintii Guddiga Doorashooyinka uu 27-ka bishan Baarlamaanka ka horjeedi lahaa.

Sidda laga soo xigtay Cabdiraxmaan, baajintaas ayaa salka ku haysa "si loo soo diyaariyo qorshe muddo kororsi oo isku dubba ridan".

"Guddoonku berri yuusan cidna eersan, iyagaa micno tiray Golaha Shacabka iyo Guddiga Doorashooyinka. Villa Somalia waxay leedahay Baarlamaanka ha lagu biiriyo Hobollada Waaberi, kulammadiisana ha loo raro Golaha Murtida iyo Madaddaallada.," ayuu carabka ku dhuftay.

Wuxuu kusoo xiray; "Waxay kaloo leeyihiin waxaan soo afjaraynaa dhowrka dowlad Goboleed iyo mucaaradka muqaawamada meelaha ka sheegaya. Waaba la isku joogaa haddii xoog la isku xukumi karo".

Mudada xileedka baarlamaanka iyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa dhamaanaya bisha October ee sanadkan 2020, waxaana xukuumadda lagu eedeeyay in ay diiday wadahadalo laga galo qadiyaddan masiiriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM