XOG: Farmaajo oo lagu eedeeyey cadaalad daro la xiriirta magacaabista xilalka dowlada

Image

MUQDISHO (GO) - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed ay wadaan Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha daga maamulka Koonfur Galbeed kaasoo ay kaga hadlayaan xilal dhowaan laga qaadey mas'uuliyiiin degaan ahaan kasoo jeeda goboladaas.

Kulamadaan ayaa waxaa ay u muuqadaan kuwo looga careysan yahay xilal madaxda dowlada ugu magacowdey mas'uuliyiin lagu sheegey iney isku beelo kasoo wada jeedaan.

Cabshooyinkaan ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey diirada saaraya xilal Madaxweynaha dowlada Federaalka ka qaadey saraakiil dowladeed ay kamid yihiin xogahaya joogtada ah ee wasaarada Batroolka, taliyihii ciidamada Badda iyo ku xigeenka ciidamada NISA kuwasoo la sheegey iney kasoo wada jeedeen degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

"Xoghayaha joogtada Wasaarada Batroolka ayaa waxaa lagu badalay nin ay isku beel yihiin Madaxweyne Farmaajo halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas oo la yiraahdo Maxamud Cabdulqaadir Warsame "Hilaal" ay isku beel yihiin Xoghayaha cusub kaasoo uu ka keensadey wadanka dibadiisa." sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan ka tirsan beelaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale muran ka taagan yahay xilka Taliyaha Badda oo loo magacaabey nin ay Madaxweyne Farmaajo qabiilka la wadaga halka ku xigeenka hay'adda NISA uu u magacaabey Agaasimihiisa Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Dhinacayadaan ayaa ku doodaya in marka la eego nidaamka 4.5 ee uu ku dhisan yahay awood qaybsiga dowlada Federaalka Taliyihii ciidamada qalabka sida SNA iyo ku xigeenkii NISA uu Madaxweyne Farmaajo isugu darey beesha shanaad.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ku xigeenka agaasimaha Madaxtooyada u magacaabey nin kale oo ay isku beel yihiin taasoo iyadana sida wararku sheegayaan ka careysiisey xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka oo ku dhisan nidaamka 4.5.

Wararka laga helayo Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isal wasaarihiisa fagaarayaasha dadweynihu isugu yimadaan ka sheegaan in shacabka Soomaalidu u siman yihiin fursadaha shaqooyinka halka bilihii ugu dambeeyey xilal u magacaabeen nidaamka ku saleysan nin jecleysi ku wajahan beelo gaar ah.

"Xubnaha golaha Wasiirada ayaa Villa Soomaaliya kalsooni kaga raadsada in xilalka Wasaradaha ay  u soo magacaabaan xubno la qabiil ah Madaxda sare ee dowlada." sidaas waxaa GO u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo diidey magaciisa in aan xusno.

Dhowaan ayey aheyd markii Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga uu Xoghayaha joogatada Wasaradaas u magacaabey shaqsi ay isku beel hoose yihiin Madaxweyne Farmaajo halka ku xigeenkiisa “Director General” ka dhigey nin ka tirsan qabiilka Khayre.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Caafimaadka ayaa Sadex ku ah tirada Xoghayaasha isku beesha yihiin Madaxweyne Farmaajo oo xilalka loo magacaabey tan iyo markii xilka loo doortey.

Dhinaca kale dhowaan waxaa safiirka dalka Qadar si aan la shaacin loogu magacaabey safiirkii hore ee Cumaan dalka Soomaaliya u fadhiyi jirey Cabdirisaaq Faaraxn Cali (Taano)., ninkaas ayaa waxaa uu la dhashey xaaska uu qabo ku xigeenka hay'adda NISA oo horey u ahaan jirey agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowlada Qadar ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxay dhowaan soo aqbashay codsiga dowlada Federaalka ee safiirka u fadhiyi doona Doha.

Raali Galin: GO waxaa uu ka raali galinayaa akhristaashiisa Isticmaalka kalmadaha qabiilka iyadoo aan u aragney iney muhiim tahay in la baahiyo madaama dalka Soomaaliya burburkii soo gaarey dowladnimadiisa uu sabab u ahaa cadaalad daro ay ku kaceen dadki hogaanka dalka soo qabtey tan iyo markii xornimada laga qaatey gumeystihii kuwasoo ku saleysnaa qabyalad iyo nin jecleysi. 

Hoos ka Daawo khudbad Madaxweyne Farmaajo akhriyey 2017 uu kaga hadlayey cadaalada iyo in dadka Soomaalida isku mid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM