Farmaajo oo muddeeyay shirka madaxda DF iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa muddeeyay shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka ah, maamuladda iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, sidda ay warisay Villa Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu mar kale madaxweyneyaasha maamulada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir uu u dirayo casuumaad rasmi ah.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, ajendaha shirka waxaa kamid ah; doorashooyinka, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

"Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka," ayaa la raaciyey.

Maalmo kahor ayay ahayd markii hogaamiyeyaasha ay wadahadalo ku yeesheen khadka Internet-ka, halkaasoo ay isugu afgarteen in Farmaajo iclaamiyo goorta iyo goobta wadahadalada u bilaabanaya.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna," ayaa lagu soo xiray.

Marti-qaadka uu Farmaajo u fidiyey madaxweyneyaasha maamuladda ayaa ka dhashay cadaadis kaga yimid Mareykanka oo ka dalbaday in uu ka shaqeeyo xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM