Farmaajo oo Safiiro cusub u magacaabay UK iyo Turkey

Image

LONDON, UK - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa labo safiiro oo cusub usoo magacaabay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga.

Cabdiraxmaan Ceynta, Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladdii Xasan Sheekh ayaa  loo magacaabay Safiirka Somalia ee London, halka Jaamac Ceydiid laga dhigay  Safiirka Somalia u fadhin doono Turkey.

Jaamac Ceydiid, oo ah nin ku cusub Siyaasadda, kana kamid ahaa Ganacsatada magaalada Bosaso, ayaa waxa uu bedeli doonaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo hadda noqday Taliyaha NISA.

Cabdiraxmaan Ceynta, waa qaban-qaabiyaha Shirka London ee Somalia looga hadlayo isagoo sidoo kale aad uga dhex muuqday xukuumaddii hore ee Xasan Sheekh.

Magacaabistan ayaa timid xilli maanta magaalada London uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

Lama oga waxa magacaabistan kusoo beegay waqtigan, balse madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe waday isku shandhayn iyo magacaabista mas’uuliyiin cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM