Farmaajo oo shaaciyey sababta ay DF muddo kororsi ugu diiday Xaaf

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Shirkii guuldareystay ee Garowe.

Isaga oo ka hadlayey xuska 15-ka May, maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, oo habeenimadii Arbacada lagu qabtay Muqdisho, ayuu shaaciyey in ajendaha ay shirka la tagtay dowladda.

Farmaajo ayaa meesha ka saaray in Shirka uu fashilmay "maadaama la rabo in Umadda Soomaaliyeed loo sheego wax wanaagsan oo ahayd in madaxdu isu timaado, oo isu cabasho sheegto".

"Inaga waxaan soo jeedinay in shirka looga hadlay amniga maadaama amaanka uu noo yahay ahmiyadda koowaad, dowlad goboleedyaduna Golaha Amniga qayb ka tahay, arrintaasina waa nagula diiday," ayuu yiri.

- Siyaasadda –

Maamuladda ayaa waxay codsadeen in Shirka xal loogu helo khilaafyadda siyaasadeed, xili ra’iisul wasaaraha uu shirka keenay hindisa sharciyeedyo uu ku jiro midka doorashooyinka.

Tan iyo bishii September 2018-kii ma aysan jirin wadashaqeyn ka dhex-say labada xiligaasi oo ay maamuladu xiriirka u jaraan xukuumada oo ay ku eedeeyeen in aysan fulin heshiisyadii hore iyo qorshaha amniga qaranka.

"Siyaasada oo laga heshiiyo waa wax fiican, macnaheeduna waxay tahay waa dood furan. Uma aanan deynin, waxaana qaadanay mawduucyo muhiim ah iyo sidii loo wadashaqeyn lahaa," ayuu xusay.

- Madal sameyn –

Hogaamiyaha dalka oo qiray madaxa dowlada federaalka ku gacan-seyreen codsiga maamulada ee ku aadanaa in la sameeyo madal ay kuwada shaqeeyaan ayaa soo daliishaday dastuurka qabyada ah.

Dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa codsaday in magaca laga bedelo Golaha Amniga Qaranka ee haatan jira, kaasi oo ay u arkeen in uu yahay mid aan qaban shaqadii looga baahnaa.

"Qodobka 51aad ee dastuurka wuu qeexayaa in maamuladu iyo dowlaa ay wada shaqeeyaan oo xiriir joogto ah ay yeeshaan oo sanadkii ay kulmaan, balse meelna ugama taalo in madal la sameeyo, waxaana k a talinay in la isku yimaado oo la wada hadlo mar kasta, maxaa yeelay madal waanu soo aragnay hadey wanaagsaneyd iyo hadii aysan wanaagsaneen, arrintaasina way nagu yar adkaatay," ayuu raaciyey.

- Doorashooyinka –

Sidda laga soo xigtay Farmaajo, madaxda maamul goboleedyadda ayaa soo jeediyay in iyadda dib loogu soo celiyo maamulka arrimaha doorashooyinka, taasi oo ay ka biyo diiday dowlada.

"Maadaama arrimaha doorashooyinka looga heshiiyey Shirki Baydhabo oo aan isla qaadanay in doorasho qof iyo cod ay noqoto, waxaan soo jeedinay in hadii wax laga bedelo loo daayo Golaha Shacabka oo ay ku leeyihiin dad metala, arrintaasina way nagu yara adkaatay," ayuu cadeeyay.

Madaxda dowlada federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka bedel ku sameeyeen xeerka doorashooyinka ee lagu heshiiyey Kulankii caasimada KMG Koonfur Galbeed, ayna kusoo dartay qodobo dheeraad ah.

Sharcigaasi oo uu wehliyo midka Bartoolka ayaa la fahansan yahay in mudadii socday Shirkii Garowe ay madaxda federaalku diideen in la hakiyo illaa iyo heshiis siyaasadeed laga gaarayo.

- Khilaafka Galmudug -

Sidda dad ku dhow kulanka ay u sheegeen warsidaha Garowe Online, mudadii uu kulanku socday dooda adag waxay ka taagneed arrimaha Galmudug iyo xalka khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in uu jiray codsi ka yimid Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo ku saabsanaa in muddo kordhin loo sameeyo.

"Balse waxaan soo jeedinay in hab-raac la marsiiyo oo ay dib u heshiisiin, maamul goboleedyadu waa nagu raaceen, balse madaxweynaha Galmudug markii uu tashi geliyey waa uu is-bedelay," ayuu ku daray.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlaya ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Galmudug in uu diiday xalka maamulkaasi, "oo ah shacabku go'aan sadaan kadib wadahadalo".

"Arrinta Galmudug arrimaha kale way ka duwan tahay, waanu aragnay dhibka jira. Hadii la yiri khilaafka Galmudug lama xalin, waa la xaliyey. Qofka markuu xanuunsan yahay oo daawo loo qoro isaga ayaa iska leh go’aanka uu ku qaadanayo. Walaalkee madaxweyne Xaaf ma aqlabin, daawada ma qaadan. Hadii muddo kororsi la doonayo dadka reer Mudug iyaga ayaa go’aan ka gaari kara," ayuu daba dhigay.

Xaaf ayaa ku doodaya in heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu saxiixay Jabuuti uu xeerinayo in uu xafiiska sii joogo afarta sano ee soo aadan taasi oo xukuumada ka cagajiideyso.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa gebi ahaanba meesha ka saarey in uu qorsheynayo muddo kororsi uu sameysto marka ay u dhamaato labada sano ee haatan uga harsan xafiiska.

"Ma ahan wax loogu dan leeyahay shaqsi gaar ah. Ma ogolaaneyno in maamul ama madaxda dowlada federaalka uu ku darsado waqti xitaa hal maalin, waxay abuureysaa kalsooni darada shacabka, waxayna noqoneysaa xarig furtay," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA HOOS KA DAAWO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM