Farmaajo oo shaaciyey sababta ay Soomaaliya ugu nugushahay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu qiray aragtida sheegeysa in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada u nugul fayruska dunida jilbaha dhulka u dhigay ee Corona.

Isagoo ka hadlayey shir deg-deg ah oo hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ku yeesheen dhinaca online-ka, Farmaajo ayaa wadamada ku booriyey in si wadajir ah oo iskaashi ah ula dagaalamaan cudurka.

"Soomaaliya waxa ilaa hadda la hayaa 3 kiis oo caabuqa Corona Virus ah waxaanuna qaadnay dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah iyo kuwa siyaasadeed ee lagu la tacaalayo, laguna yaraynayo saamayntiisa," ayuu Farmaajo ka sheegay shirka muuqaalka ah.

Xukuumadda Federaalka ayaa illaa iyo haatan joojisay duulimaadyadda gudaha iyo maxaliga si lamid ah badeecadaha aan cunada ahayn ee dalka soo geli jiray sababo ku aadan ka hortagga xanuunka dilaaga ah.

"Waloow kooxaha iyo khubarrada Wasaaradda Caafimaadka ee heer Federaal iyo kuwa Dowlad Goboleedyadu ay hawl fiican hayaan, haddana weli Soomaaliya waxay u nugushahay xaalad caaifmaad oo degdegga ah oo baaxaddan leh maxaa yeelay waxa weli curdin ah hannaanka caafimaad ee dalka oo hadda dhismaya," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Saddexda kiis ee laga helay dalka ayaa laba kamid ah waxaa siday muwaadiniin ka kala yimid Talyaaniga iyo Shiinaha, halka ruuxa saddexaad uu yahay ajnabi la shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Intii uu shirku socday, Farmaajo ayaa sidoo kale hogaamiyeyaasha u soo jeediyey in laga diyaar-garoobo saameynta dhaqaale ee Covid—19 uu sababi karo, isla markaana shir deg-deg ah laga yeesho arrintaas.

Sikastaba ha ahaatee, Coronavirus oo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa wada gaarey in ka badan 100 waddan, kuwaas oo isugu jira dalal horumaray, kuwa dhex-dhexaad ah iyo qadka casaanka ah kasoo hoseeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM