Farmaajo oo faafiyey arrimo ka dhacay miiska wadahadalka coddeynta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si furan wuxuu uga waramay arrimihii ka dhacay miiska wadahadalada arrimaha doorashooyinka 2020-21.

Isagoo ka hadlayey casho sharaf ka dhacdey Villa Soomaaliya taasoo lagu soo gabagabeeyay wada-xaajoodyadda, Farmaajo ayaa sheegay in uu tuhunsan yahay in shanta maamul ku heshiiyeen in ay laalaan qorshihiisa qof iyo cod.

Wallow uu u muuqday mid kaftamaya, Farmaajo ayaa codsaday baaritaan lagu sameeyo arrintaas si loo ogaado xaqiiqada jiritaanka shakigaas ku jira.

Farmaajo oo munaasabada ay xaadir ku ahayd hooyadiis ayaa daaha ka rogay in shirarkii Dhuusamareeb iyo midka Muqdisho uu fursad isku siiyey madaxda maamulada "si ay u soo saaraan heshiis ka gadmaya Soomalida".

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo runtii nagala soo qeybgalay Samareeb3 oo runtii aan ku gaarnay meel fog ayay iga soo kaxeeyeen waxay i keeneen meel dhexe marar waxaan is-yiraahdaa ma waxay ku heshiiyeenbaa? oo la yiri ragga kale maqnaada ninkaan ogayga ah madaxweynaha ah afar sano wuxuu ku qarwaayey umadda u sheegayay qof iyo cod halmar ma oran karno ha lagu noqdo mid dadbanee annagaa soo dhaweynaynee idinka suga, arrintaas waxay u baahan tahay baarid; maxaa yeelay markii aan xaga isugu tagnay walaalayaalow qol gala idinka xal ii keena; xal runtii Ummadda Soomaaliyeed u qalma oo wanaagsan oo macquul ah ii keena, waxay iga maqnaayeen todoba saacadood waa igu soo noqdeen waxay ii keeneen heshiiskii kasoo baxay Samareeb3; Runtii waana ka naxay, waana ku farxay waxaan ogahay labada kaloo maqan in ay meel fog ka hadlaayaan marka waxaa iri intaan orod ku qaado bal wax kale ha isaga yimaadee, waxaa laga yaabaa in ay ahayd istaraatiijiyad, waxay iga ilaalinayeen Nukliyeer in ay halmar igu tuuraan; Nukliyeer Option," ayuu u sheegay ka qeyb-galeyaasha.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayuu xusay in ay u sheegeen in uu ogolaado heshiiskaas qabyada ahaa "maadaama uusan ogeyn" mowqifka ay gaatan yihiin dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

"Hadda marka imaanshiyaha halkaan ay yimaadeen sidii oo kalaan sameeyay waxaan iri qol taga shantiina fadhiista ii keena wax Umadda Soomaaliyeed ku qanacdo oo sharci iyo dastuur ku dhisan. Aniga raggii aan moodayey in ay ila socdeen iyagaaba ugu horeeyayba, taasaa waxay igu abuurtay shaki u baahan in la baaro, waxay ii keeneen wixii aan soo saarnay ileyn iyaga waa iga xishoonaayeen saddexdii hore [madaxda Galmudug, Koonfur iyo HirShabelle]; labadaas nin ayay rabeen in ay u hadlaan," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid isku ekeysiinaya in uusan qeyb ka ahayn gorgortan iyo in uu tanaasulay.

Laba sababood oo uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ayuu ku sheegay; markii maamulada isku baheysteen in ay meesha ka saaran riyadaas uu lahaa laguna dhawaadey kala tag iyo in uusan shisheeye soo faragelin.

Dowlado, hay’addo iyo shaqsiyaad uusan magacyadooda shaaca ka qaadin ayuu ku eedeeyeen in ay ka macaashaan dhibaatada Soomaaliya isla markaana tanaasulkiisa ay sabab u tahay in uusan fursad u abuurin dhinacyadaas.

Baarlamaanka ayuu ugu baaqay in ay meelmariyaan heshiiska doorashada; guddiga doorashooyinka qaranka ayuu uga mahad-celiyey "shaqooyinka fiican oo ay qabteen," isagoo xusay in ay u diyaar-sanaayeen qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna u rajeeyay in mudada loo kordhin doono.

Dhawaqa Farmaajo ayaa u muuqaneysa mid ku dheehan boor isku qaris iyo in uu jilayo "waddanimo" dhowr jeer daqaro kala duwan uu soo gaarey.

Hogaamiyeyaasha siyaasada ayaa marka ay guuldarooyin siyaasadeed kasoo wajahdo qorsheyaashooda dib u doorashada waxay isku dayaan in ay doodo cusub oo eedeynta shisheeye kamid tahay si ay dareenka dadka u helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM