Farmaajo oo u safray Itoobiya iyo dhamaan madaxda sare ee DF oo dalka ka maqan

Image

MUQDISHO, Soomaaliaya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo Talaado ah u safray magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wao qoraal ah oo Villa Somalia soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in socdaalka Madaxweynaha u yimid kadib casumaadd rasmi ah, oo uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa kawada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga nabadgalyada gobolka geeska Africa, oo dalalka ku yaalla ay heshiiyeen colaadihii u dhaxeeyay.

Waa socdaalkii 6aad oo mudo todobaadyo ah uu Farmaajo ku aado dibadda, iyadoo safarkiisa maanta uu kusoo beegmayo xilli Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mursal Cabdiraxmaan ay dalka kawada maqan yihiin.

Khayre ayaa Shir uga qeybgalaya magaaladda Geneva ee dalka Switzerland halka gudoomiyaha Gollaha Shacabka uu isna ku sugan yahay wadanka Jordan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM