Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wadahadal dhinaca taleefonka ah la yeeshay Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad al-Thani.

Wadadahalka Farmaajo iyo Sheekh Tamim ee fiidnimadii shalay ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u eegis lagu sameeyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya dowladahaan iyo qaabkii loosii xoojin lahaa.

Warbaahinta Qadar ayaa baahisay in labada hogaamiye ay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo loo xoojin lahaa, iyagoo sidoo kale isla soo qaadey arrimo ku xeeran danaha guud oo ay wadagaan.

Tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka wadamada Khaliijka, maamulka Farmaajo ayaa si wayn ugu dhawaaday dowlada Qadar, taasi oo timid markii Imaaraadka uu hakiyey kaalmadii uu siin jiray xukuumada Muqdisho.

Wadahadalka Farmaajo iyo Al-Thani ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay dood adag ka yeesheen halka ay ku baxday 20 milyan oo kasoo hartay 50 milyan oo Sacuudiga ka timid.

Qadar oo warbixinta Guddiga Maaliyadda Aqalka Hoose lagu soo hadal-qaaday waxaa la sheegay inay dowlada siisay 20 milyan oo Dollar, xili wararku soo jeedinayaan in mas'uuliyiinta ay arrintani isla soo qaadeen.

Farmaajo ayaa haatan ku sugan wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi, halkaasi oo uu kaga qaybgalayo shirka dhaqaalaha Badaha, kaasi oo uu ka jeedinayo khudbad uu xooga ku saarayo doorka Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM