Farmaajo oo weerar afka ah ku qaadey DG xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed

Image

JUBA, South Sudan - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxda dowlad goboleedyada xilli ay socdaan dhex-dhexaadin iyo waan-waan lagu xalinayo khilaafka dalka jira.

Isagoo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed, ee ku nool magaalada Juba, ee caasimadda South Sudan, Farmaajo ayaa sheegay in maamullada wali aysan fahamsanayn waxa uu yahay nidaamka Federaalka.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in Federaalka aduunka ka jira uu yahay mid mamul goboleedyada ay qabtaan kaliya adeegyada bulshada, balse aaney awoodin inay ka shaqeeyaan siyaasadda dibadda.

Farmaajo ayaa xusay in madaxda dowlad goboleedyada ay faraha kula jiraan arrimo aaney khuseynin, sida inay isku dayayaan inay heshiisyo heer-qaran ah saxiixaan iyo inay la kulmaan madaxda caalamka.

"Dowlad goboleeyada waxaa laga doonayaa in adeegii bulshada ay gaarsiiyaan, hadii ay tahay waxbarasho, caafimaad iyo inay ka warqabaan dadka ay mas'uulka ka yihiin," ayuu yiri Farmaajo isagoo sharxaya nidaamka Federaalka ee adduunka ka jira.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada ay jecel yihiin inay safaro dibadda ah sameeyaan, oo heshiisyo caalami ah lasoo galaan dowladdo iyo shirkadda, iyagoo doonya inay qabtan howsha dowladda dhexe.

Farmaajo waxa uu ku tilmaamay hab-dhaqanka madaxda maamul goboleedyada ee is-barbar-yaaca siyaasadda arrimaha dibadda ay bixinayso sawir xun, oo ah in Soomaaliya wali ay fowdo siyaasadeed ka jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa daboolka ka qaadey in hogaamiya-yaasha dowlad goboleedyada aysan jecleyn in isaga ay la kulmaan, islamarkaana ay taasi ka jecel yihiin inay la fariistaan madaxda caalamka.

Hadalka Farmaajo iyo eedeynta culus ee uu jeediyay ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socoto waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay wadaan Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM