Farmaajo: Qaraxyada Muqdisho wax loogama qaban karo 2 sano [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisa aysan mudada labada sano ee u hartay aysan waxba ka qaban karin qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Qaraxyadii Makka Al-Mukarrama, Farmaajo ayaa shaaciyay in waxa ka socda caasimadda ay tahay musiibo soo socotay 11-kii sano ee lasoo dhaafay, oo awoodda dowladda gaarsiisnayn inay wax ka qabato.

"Xaqiiqatan waa musiibo waxa dhacaya...Musiibadana waxay soo socotay mudo 11 sano ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaasi ku daray in ujeedada Al-Shabaab ee qaraxyadu ay tahay inay muujiyeen joogitaankeeda iyo awoodeeda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kullan uu xalay la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Febuary, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeed ku dhawaaqay Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse illaa hadda ma jirto duulaan ay ciidamada qaadeen.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA FARMAAJO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Kiiska Garsoore Cumar Cartan.

Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkaysiga iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:19AM

Mareykanka Oo Ka Hadlay Sababta Loo Diiday Gelitaanka Garsoore Soomaaliyeed Omar Artan

Afhayeen u hadlay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) …

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:12AM