Farmaajo: Uhuru waa nin aan kibir badnayn oo dhulka is-dhiga

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ammaan kala dul-dhacay dhigiisa Uhuru Kenyatta xili Soomaaliya iyo Kenya ay dhextaalo xiisad badda ah oo maxkamada cadaaladda aduunka xukmin doonto.

Hogaamiyeyaasha oo galabnimadii Khamiista ku kulmay huteel ku yaala magaaladda Nairobi ayaa isla meel-dhigay in kiiska badda uusan saameyn ku yeelan xiriirka laba geesoodka ah maadaama madmadow soo galay.

Huteelka ayaa waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu hoy u ahaa Farmaajo oo halkaas u tegay shirka Qaramada Midoobay ee horumarinta dadka iyo dhalinyaradda, kaasoo labada madaxweyne ka jeediyeen khudbado.

Ma cadda hadii kulankooda uu ahaa mid lasii qorsheeyay kahor shirka ama in laga shaqeeyay intii uu Farmaajo ku sugnaa magaala madaxda dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika wuxuu uga mahadceliyay in uu aqbalay martiqaadka kasoo qeybgalka shirweynaha.

Farmaajo oo dhankiisa hadalka qaatay xili ay saxaafadda la hadlayeen kadib kulanka ayaa wuxuu ku sifeeyay Uhuru "shaqsi aan isla wayni badnayn".

"Joogitaankeyga halkaan [magaaladda Nairobi] aad ayaan ugu raaxeystaa," ayuu ku bilaabay Farmaajo oo war-fidiyeenka u wajahay qaab furan.

Wuxuu intaasi ku daray: "Waxaan kaaga mahadcelinayaa [Kenyatta] soo dhaweyntaada diiran. Waxaan qirayaa in Uhuru uu yahay nin aan kibir badnayn oo dulka isku dhigay inuu iigu soo booqdey hoygayga".

Madaxtooyadda Kenya ayaa faafisay in Farmaajo "ogolaaday" in xeer-beegtada UN-ka ay gal-maqalka ku xaliso qaab ay labada dal wada aqbalayaan. Villa Soomaaliya waxay gabi ahaanba beenisay arrintaasi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isla meel-dhigey in dib loosoo celiyo duulimaadyadda tooska ah ee Muqdisho-Nairobi iyo visaha Soomaalida ay ku qaadan jireen garoonka Nairobi.

Guddiyo ka kala socda labadda dal ayaa kawada shaqeynaya iyada oo todobaadka uu soo aadan soo bixi doono go'aanka ugu dambeeya ee ku aadan in si rasmi ah loo qaadey xayiraada duulimaadka tooska.

Kenyatta ayaa sheegay in Farmaajo la wadaagay isaga walaac uu ka qabo in ay sii jirto xayiraada, wuxuuna tibaaxay in uu u balanqaaday in sidda ugu dhaqsiyaha badan loola tacaali doono arrimaha haatan jira.

Soomaaliya iyo Kenya oo wadaaga sohdin 500 KM ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi ay kawada faa'ideystaan labada shacab, balse khatarta ugu badan waxay kaga imaaneysaa ururka Al-Shabaab.

MUUQAALKA LABADA MADAXWEYNE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM