Farole oo ka hadlay waxqabadkiisa hadii loo doorto Madaxweynaha Somalia [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Farole oo maanta gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa faah faahin ka bixiyay arrimo ku aadan doorashada dalka iyo waxqabadkiisa hadii uu ku guulaysto booskaas.

Farole oo soo dhaweyn kadib warbaahinta hadal dheer ku siiyay madaarka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa  cadeeyay inuu yahay shakhsi u sharaxan shacabka Somaliyeed ee aysan wadan dowladdo shisheeye.

"Anigu waddanka ayaan u badnaa, dhawaan waxaan tagay Kampala dowladda Uganda ma arag mana raadin, waxaan joogay Nairobi dowladda Kenya ma raadin mana Arag, hade anigu waxaana ahay murashax shacab ee ma ahi mid dowlado wataan," Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole warbaahinta la hadlayay.

 Wuxuu aad ula dardaarmay Xildhibaanada labada aqal ee Madaxweynaha soo dooran doona isagoo sheegay inay ka fogaadaan wax kasta oo dalka u horseedi kara dhibaato maamul xumo, wuxuuna soo jeediyay in qofka hogaamiyaha noqonaya lagusoo xulo kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimada uu u leeyahay dowladnimada Somalia.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa sidoo kale meesha ka saaran inuu booskan ku raadinayo lacag iyo laaluush, balse taa badalkeeda uu yahay qof ay ka go'antahay isu keenista dadka iyo dalka Somaliyeed ee colaaduh u la dageen, wuxuuna ka digay in Xildhibaanadu codkooda lacag ku badashaan.

"Anigu waxaan kasoo horjeeda eray Lacag cod ha lagu gato, horay ayaan arrintaas uga hadlay oo waxaana ku iri Ergadii soo dooranaysay Xildhibaanada lacag ha weydiinina oo sharaftiina lacag ha ku badalanina ee doorta qof waddanka wax u taraya, kawaran hadii aad doorataan Xildhibaan lacag idin siiyay oo isna waa mid aan sharaftiisa rabine uu doorto Madaxweyne Lacag kusoo baxay, kaasna uu dalka kasii iibiyo dowlado shisheey, hade xaalku meeshuu ku dambayn waad garan kartaan," Ayuu yiri isagoo ka jawaabayay su'aal ahayd inuu xilka ku radinayo lacag mudane Farole.

Murashaxa oo sidoo kale katirsan aqalka Sare Somalia, ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrimaha; Amniga, midnimada, isku xirka maamullada iyo dowladda dhexe, horumarka, cadaalada iyo Sinnaanta isagoo xusay inuu yahay qof karti ku caan baxay, kaasoo khibradiisa maamul u adeegsan doona sidii Somalia ugasoo kaban lahayd dhibkii ay ku jirtay in kabadan 25 sano, wuxuuna xusay in dowladda imaan doonta hadii la doorto uu kusoo dhisi doono qaab aqoon balse uusan xeerin doonin Qabiil.

Abaaraha ka jira Somalia, ayuu aad uga hadlay, isagoo shacabka Somaliyeed inta hantida haysata ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii dadka iyo duunyada tabaalaysan dhaqaale loo gaarsiin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM