Fartaag oo shaaciyey waqtiga lasoo dhisayo Barlamanka

Image

January 18, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag ayaa shaaciyey waqtiga sida rasmiga ah loo dhisi doono golaha Barlamanka ee Jubaland.

Fartaag oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa dib magaalada Kismaayo ugu soo laabteen, wuxuu sheegay in maalinta Talaadada ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay January 20, 2015 lasoo dhameystiri doono xulista Barlamanka. 

Xafladda daah furka wuxuu sheegay in kasoo qayb geli doonaan mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka Jubaland iyo wufuud kale oo ka socota Dowlada Federaalka iyo IGAD.

Dhanka kale, wuxuu si kooban uga warbixiyey safaro madaxda maamulka Jubaland labadii bilood ee lasoo dhaafay ugu maqnaayeen dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Wuxuuna sheegay in safaradaas natiijo wax ku ool ahi kasoo baxday, isagoo intaas raaciyey in arimiha mas'uuliyiinta Jubaland kala soo hadleen madaxda dalalka deriska ugu muhiimsaneyd xoojinta amniga gaar ahaan sidii al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo shalay waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa mar wax alga weydiiyey qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada, wuxuu sheegay in dowladu shuqul ku lahayn balse ay tahay arin dhaqan laguna saleeyey deegaanada iyadoo tixgelinta koowaadna la siin doono beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM