"Caddeyn" muujineysa in ay Nabad iyo Nolol ku lug leedahay Forex

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo dadka ku nool Muqdisho ay aad ugu hoobteen sarifka lacagaha qalaad ee Forex, waxaa isa soo taraya digniinaha khatarta ah ee ay ka bixinayaan siyaasiyiinta.

Xildhibaano iyo dad horey xilal uga soo qabtay dowladda federaalka ayaa sheegay in mashruucaan uu siyaasadeysan yahay.

Qaarkood oo uu kamid yahay Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa rumeysan in Villa Soomaaliya ay gedaal ka riixeyso barnaamijkaan.

"Runtii aniga waxaan aaminsanahay in mashruucaan uu yahay dabin loo dhigay dadka Soomaaliyeed lana rabo in dhaqaalihiisa lagu baabi'iyo. Aniga shaqsiyan xogta aan hayo, waxaa jira wax la yiraahdo Coronavirus oo hadda China ka dilaacay. [Xog-ogaalnimadda] waxay sheegeysaa in uu Mareykanka ka dambeeyay si dhaqaalaha Shiinaha loo baaba'sho," ayuu yiri.

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa xusay in ujeedada dowlada Farmaajo u taageereyso qorshahaan uu yahay in ay xakameyso dhaqaalaha dadka isla markaana u jaangoyso siyaasadda.

Wuxuu ku daray: "Aniga waxaan aaminsanahay Forex waa Coronavirus oo la rabo in lagu baabi'iyo dhaqaalaha dalka, waana anigii sheegay qorshaha Farmaajo iyo Fahad waxaa kamid ah in ay baabi'iyaan dhaqaalaha Muqdisho iyo Hargeysa laga bilaabo Hormuud iyo Dahabshiil illaa Bajaaj".

Qorshe cusub

Madaxii hore ee NISA ayaa xoojiyey "tuhunka jira oo ah in barnaamijkaan lagu bilaabay lacag tobban milyan ah oo laga soo qaadey Qadar si loogu sababo dadka ku hoobtay Forex ee caasimada ku dhaqan".

Isagoo ku adkeystay in Nabad iyo Nolol "ay lug weyn ku leedahay" ayuu xusay "in uu siyaasadeysan yahay waxaa caddeyn u ah iyadoo culumada fatwo kasoo saartay oo dowladdu mamnuucday ayuu jiraa".

Bulshadda ayuu cod dheer ugu waaniyey in ay ka baaqsadaan Forex, isla markaana aysan dhaqaalahooda ku darsan.

Suuqa sarifka ee Forex ayaa u shaqeeya habka ah in qofka uu lacago dhiganayo qofka isla markaana bil walba uu helayo kala bar lacagtiisa iyaddoo ay u taalo qiimihii uu horey u dhigtay.

"Horta waxaa ka run ah mid iyo laba kuligood wada been ma ahan…saddex ayey isugu jiraan mid kuwa waa tuugo rasmi ah dadka in ay dhacaan ayay ku talagaleen oo markay arkeen mashruuca, kuwa dowlada ayaa ku talagashay oo dhaqaalaha dadka ayaa la rabaa in lagu kontaroolo shirkadahana lagu baabi'iyo kuwana waa dad daacad ah laakiin khibradii iyo waaya aragnimadii aqoontii ku filan aan lahayn, marka waxaa la sameeyaan lacagtaan shirkado Istanbul, Cuman iyo Malaysia degan ayaa lagu daldalaa dadka Soomaaliyeed lambero ayaa la tusaa mooyee, dhab ahaan waxay yihiin qof taqaan lama arko," ayuu daaha ka rogay siyaasigaan ka tirsan Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka.

Ugu dambeyntii, Sanbaloolshe ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorheyneyso in ay soo saarto go'aan ay albaabada isugu laabeyso shirkadaha suuqa Forex, talaabadaas oo uu ka digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM