"Fursada ay Al-Shabaab ka heshay" faragelinta Villa Soomaaliya ee Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Faragelinta "guracan ee danaha siyaasadeed huwan" ee dowlada federaalka Soomaaliya ku sameysay gobolka Gedo ayaa Al-Shabaab u abuurtay fursad aysan horey u haysan, sidda ay sheegtay Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in talaabadaas "sharci-darada ah" ay saameysay horumarka balaaran ee gobolka ka socday.

Hay'addihii gargaarka ee caawinayey dadka ay dhibaatu kasoo gaartey abaaraha iyo dagaalada Al-Shabaab ayuu sheegay in a bilaabeen in ay isaga baxaan gobolka, iyagoo u baqaya badqabkooda iyo ammaankooda.

Markii ugu horeysay sanado badan kadib, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu xusay in ay awood u yeesheen in ay gobolka ku dhex-tababaraan dagaalameyaal, iyagoo ka macaashaya khilaafka taagan.

"Sanadahaan dambe waxaan moodaa markii khilaafka siyaasadeed abuurmay kahor dhulka miyiga bey ku jireen, koox-koox yar oo Shabaab ah ayaa ku jirtay dhulkaas, laakiin hadda waxaa dhacday degaano waaweyn sidda Ceel-Cadde iyo degaano kale ay hadda Shabaab saldhig ka dhigteen fursadna ay u helaan in ay ciidamo ku dhex-tababaraan gobolka, dib-isugu habeeyaan, dakhli ku uruursadaan, fursad aysan shalay haysan in ay maanta heleen bey u badan tahay," ayuu u sheegay warbaahinta dowlada Jubaland.

Markii la waydiiyey cidda qaadaneysa mas'uuliyada cawaaqibkaas ayuu ku jawaabay "fursadaas waxaa bixisay khilaafka, dowladda federaalka iyo faragelinta sharci darada ku saabsan degaanada, guud Soomaalida oo dhan way ku haysaa, laakiin qaasatan ay gobolkan Gedo ka waday".

Intii lagu guda jiray wareysiga, Maxamuud ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashada xukuumadda dhexe oo ah in ciidamada ay ku daadisay gobolka ay ilaalinayaan xuduudka lana dagaalamayaan Al-Shabaab.

Askarta oo laga soo daabulay magaalada Muqdisho "oo amnigeeda ay sugi wayday" dowlada Farmaajo ayuu tibaaxay in ay ku lug-yeesheen "burburinta maamulada degmooyinka iyo khalkhal gelinta nabad-gelyadda".

Taariikhda xoreynta gobolka Gedo

Gedo oo kamid ah gobolada ugu balaaran Soomaaliya ayaa kahor faragelinta dowladda federaalka kamid ahaa meelaha ugu nabad-gelyada wanaagsan dalka isla markaana ay ka howlgeli jireen hay'addaha samafalka.

Magaalada Doolow, xuduntii xoreynta gobolka, ayaa looga duulay dhamaan degaanada kale ee Al-Shabaab ay ka haysteen.

Beledxaawo ayaa gacanta maamul goboleedka waxay dib ugu soo noqotay sanadka markii uu ahaa 2011-kii bishii Maaj 3-deeda.

Afar maalmood kadib, degmada Luuq ayaa lagu guuleystay in laga saaro "cadowga" Umadda Soomaaliyeed, 7-dii bishii Maaj ee sanadkaas.

Garbahaarey, oo qabashadeeda ay taariikh weyn lahayd maadaama Shabaabku xiligaas maamulayeen badi gobolada Soomaaliya ayaa "shacabka laga dulqaadey culeyska argagixisadda" bishii April 11-keeda.

Baardheere, oo kamid ahayd degmooyinkii ugu dambeeyay ee maamulku kala wareegay Al-Shabaab ayaa si buuxda loo qabtay 2015-kii.

Wallow ay jiraan dhamaan guulahaan, maamulka Axmed Madoobe ayaa markaan doonaya in uu u ruqaansado dhanka gobolka Jubada Dhexe oo ay ku taalo xaruntii dowlad goboleedka, halkaas oo Al-Shabaab ay haatan ka taliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM