Gallan: Dhaqaalaha ugu badan ayaa lagu bixinayaa amniga Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Kulan looga hadlay qorshaha xukuumadu Puntland u diyaarisay adkeynta amniga magaaladda Boosaaso ayaa Khamiista maanta ah ka qabsoomay xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Wasiiro socdaal ku jooga halkaasi, mas'uuliyiinta gobolka, kan degmada iyo wax-garadka ayaa ka qaybgalay shirkaasi oo lagu soo bandhigay qaababka loo sugayo amaanka caasimad goboleedka Bari.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, oo madasha ka hadlay ayaa ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay u gudashada waajibaadkooda si hufan.

"Waxaan go’aan-sanay in aan ku cibaadaysano u shaqeynta dalka iyo dadka … oo aan si iqlaas ah u shaqeyno," ayuu wasiir Gallan yiri, isaga oo ku daray "Waadna la socotaa kitaab ayaa lagu dhaartay.

Mr Gallan ayaa si cad daaha uga rogay in xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ay awooda isugu geyn doonto sidii loo xasilin lahaa magaalada ah Isha dhaqaalaha Puntland.

"Hadii la oran jiray dhaqaalo laguma bixiyo amniga Boosaaso, waxaan diyaar u nahay in aan ku bixino dhaqaalaha ugu badan … hadii la oran jiray wasiirada ma yimaadaan … diyaar ayay u yihiin inay idin kala shaqeeyaan," ayuu xusay.

Ma'uuliyiinta iyo shacabka ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii Boosaaso dib loogu soo celin lahaa amaanka oo xumaaday intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas.

"Madaxdii hore wax qaldan bay saxeen waxna way ka tageen … laakiin lama aqbali karo in wiil yar uu dil ugu geysto Masaajid mid kamid ah nabadooda ugu wayn Puntland kadibna uu dhexmaro isagoo aan la qaban," ayuu raaciyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM