Galmudug oo loo gacan-geliyey dad loo karan-tiilay fayruska Corona

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ka hortaga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay Galmudug ku wareejiyeen todoba qof oo si ku meelgaar ah loogu karan-tiilay magaalada Garowe.

Shaqsiyaadkaas ayaa kamid ahaa toban qof oo kasoo gudbay xadka Somaliland. Saddex kale waxaa la sheegay in ay Garowe ku dhameysan doonan muddo huuriska xanuunka.

Sidda ku xusan qoraalka kasoo baxay guddiga, todobada qof ayaa maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] lagu wareejiyay 1-dii bishaan April, sanadka 2020.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in degaanada Puntland uusan ka jirin kiis la xiriira cudurkaas. Si lamid ah, waxay sheegeen in aysan shalay diiwaan-gelin kiisas cusub.

Shacabka Puntland ayay cod dheer ugu booriyeen in ay u hogaan-samaan dhamaan amarada kasoo baxay xukuumadda ee lagu xakameynayo fayruskaas safmareenka ah.

Sidoo kale, waxay dadweynaha ku sugan gudaha waddanka iyo dibaddiisa ku tartarsiiyeen in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada iyo Ololaha ka hortaga Covid-19.

Warbixinta kasoo baxday guddiga ayaa qeyb ka ah howlaha maalinlaha ah oo ay qabanayaan illaa iyo dunida oo dhan laga ciribtirayo Coronavirus oo dunida oo dhan ku galaaftey in ka badan 40-kun oo ruux.

Hoos ka akhriso warbixinta guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM