​Galmudug oo si carro leh uga hadashay Weerarkii Bariire [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somalia- Galmudug ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay Bariire, ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka.

Cismaan Ciise Nuur [Taardhuleed], oo ah Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin, shacabka iyo maamulkaba dhacdadii Bariire, wuxuuna ka dalbay dowladda inay jawaab ka bixiso.

"Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda aad bey uga xun yihiin dadkii shacab ahaa, ee sida arxan darrada u gumaadeen Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka, waxaana codsaneynaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaasi, cidii geysatayna waa in sharciga la horkeen," ayuu yiri Taardhuleed.

Taardhuleed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Somalia inay dhowrto xuquuqda iyo nafta muwaadinta, islamarkaana ay kahor tagto Ciidamada shisheeye, ee magaceeda ku dilaya shacabkeeda.

Dowladaha Somalia iyo Mareykanka ayuu dhanka kale ka dalbaday inay Magdhaw ka bixiyaan Dadka shacab ah ee ay ku dileen deegaanka Bariire Bariire maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

"Annaga ka Galmudug ahaan dhacdaasi ayay ayay inoo taabatey, mana ahan mid billow ah, ee waa dhacdooyin isdaba joog ah, oo ka dhacayay meelo kamid ah Somalia, ma jirto cid magdhaw ka bixisay," ayuu hadalkiisa raaciyay Taardhuleed.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in 6 kamid ah 10-kii qof ee lagu dilay weerarkii Bariire ay kasoo jeedaan Beesha Habargidir, kuwaasi oo ilaa hadda Meydadkooda aan la aasin, si cadaadis loogu saaro dowladda Somalia inay magdhaw ka bixiso dilkooda.

Bishii September, 2016, ugu yaraan 13 qof oo Galmudug sheegtey in ciidamadooda ka tirsanaayeen ayaa lagu dilay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka la bartilmaameedsadeen Saldhig ku yaalla deegaanka Jeexdin, ee duleedka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka wuxuu xusay in illaa hadda aaney jirin cid magdhaw ka siisay Askartaasi laga laayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM