Ganacsade horay uga tirsanaan jirey Ahlu Sunna oo Muqdisho lagu idley

Image

May 4, 2015 (GO)- Nin ganacsade ah oo horay uga soo mid noqdey saraakiisha ururka Ahlu Sunna ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu diley suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jirey Maxamed Shidane kuna magac dheeraa Daqarre waxaa toogtey labo nin oo bislootado ku hubeysnaa kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsadey.

Shidane oo muddooyinkii u dambeeyey ku noolaa dalka Koonfur Afrika, wuxuu kamid mid ahaa saraakiisha Ahlusuna ee sanadkii 2008  dagaalka la gashay Al-Shabaab, isagoo mar soo noqdey taliyaha ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel.

Xalay ayey ahayd markii sidan oo kale magaalada Bosaso loogu diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM