Go'aanno kasoo baxay Shirkii Wasiiradda Maaliyadda DF iyo maamullada

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan qaatay muddo Labo cisho ah oo Muqdisho ay ku yeesheen Wasaaraddaha Maaliyadda dowlad Federaalka maamul goboleedyadda, ayaa laga soo saarey shalay War-murtiyeed lagu shaaciyay qodobadda lagu heshiiyay.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeybgalay madaxa Maaliyadda maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo, Xuseen Maxamed Nuur.

Qodobka ugu muhiimsan oo ujeedka kulanka ku saabsan oo ahaa middaynta canshuuraha dalka ayaa lagu sheegay bayaanka in Wasiiradda ay isku afgarteen sidii hal mee loogu wadda qaadi lahaa.

laguma caddeyn War-saxaafadeedka goobta, cidda, qaabka loo qaadayo canshuuraha iyo tiradda ay tahay lacagta laga qaadayo Shixnadaha kala duwan ee dalka ay keenaan ganacsatadda, laakiin waxaa loo balamay shir kale, kaasoo go'aan lagu gaari doono.

QODOBADA KASOO BAXAY SHIRKA:

1: In madasha Wasiiradda Maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habamii usocodka hawlaha gudiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta maamulka maaliyada ee dalka.

2: In la mideeyo sharuucada caanshuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golyaasha dowlad gobaledyada ka hor inta aan la horgeynin golyaasha dowlada waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad gobaledyada.

3: In shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

4: In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).

5: In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaas oo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalka.

Ugu dambeyn, dhamaanka mas'uuliyiinta waxay balanqaadeen inay ka shaqayn doonan sidii loo hir-gelin lahaa qodobadda ay isla meel-dhigeen, inkasta oo ay qireen in loo baahan yahay in la dhameystiro qodobada kale ee ka harsan arrimaha canshuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM