Golaha Shacabka BF Soomaaliya oo cod u qaadey sharciyo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho ayaa meelmariyey sharciyo.

Fadhiga ayaa ku furmay kooram gaaraya 156-Xildhibaan, sidda laga soo xigtay xogheynta Aqalka Hoose. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha, ayaa gudoomiyey kulanka.

Ugu horeyn, Xoghayaha guddiga Maaliyadda, Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka "haa" ku ogolaatay 148-Xildhibaan, 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay aamustay.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay sidda ay sharcigan u ansixiyeen.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo ay ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tiradda guud ee kulanka joogtay. Sharciga Shirkadaha ayaa kasoo noqday Aqalka Sarre.

Hindise sharciyeedyadan la ansixiyey ayaa loo gudbin doonaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu u saxiixo kadibna loogu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM