Shuruud lagu xiray in BF meelmariyo Ku Noqoashada Miisaaniyada 2019

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa si aan gambasho lahayn wuxuu shuruud ugu xiray in uu meelmariyo Ku noqoshadda Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad, oo ka hadlay fadhigii labaad ee kalfadhiga lixaad, ayaa fariin u diray xukuumadda, isaga oo daboolka ka qaadey waxay ka rabaan.

Intaas waxaa wehlisa Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo Mr Cawad uu ku goodiyey in ay dib u celin doonan.

"Ku noqosho miisaaniyadeed bey noo keentay, waxaan rajeynayaa in aan codka Aqalkan ku hadleyno markan aan cabireyno xuquuqdii ka maqneyd Xildhibaanadii hore," ayuu Cawad ku bilaabay.

Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada waxay dhan tahay 390.1 Milyan, farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 milyan.

Golaha ayaa mar sii horeysay dib u celiyay Miisaaniyadda kadib markii ay su'aallo ka keeneen meelaha qaarkood "halkaas oo ku jira mad-madow u baahan in la caddeeyo".

"….In aan ku noqosho miisaaniyadeed, miisaaniyad sanadeed iyo xisaab xir midnaba aadan noogu imaaneyn hadaa arrinkaa [xuquuqda Xildhibaanadii hore] meel la saarin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyey 19-kii September ee sanadkan 2019-ka kadib markii ay horgeysay Wasaaradda Maaliyadda.

Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo dollar.

"….waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Laanta Fulinta.

- Lacag maqan -

Hantidhowrka guud ee Qaranka, Maxamed Cali Afgooye, oo warbixin baaris maaliyadeed soo saarey ayaa xusay in la la'yahay 18 milyan oo kamid ah deeqihii 2018-kii ka yimid dibada.

Mr Afgooye ayaa sidoo kale warbixintiisa wuxuu ku caddeeyay in "maamul xumo maaliyadeed iyo wax is-dabamarin" uu ka jiro hay’adda dowladda isla markaana aysan soo gudbin wax xisaab xir ah.

Wasaaraddaha xukuumadda, talisyadda Booliska iyo Sirdoonka si lamid ah hay'addaha dowliga ayaa ku kacay falalkan.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka jawaabay warbixintan, ayaa meesha ka saarey dhamaan eedeymaha, wuxuuna ku adkeystay in lacagta la sheegayo in ay tahay in ay taalo.

Bayle ayaa ku eedeeyay Hantidhowrka in uusan wax wada tashi ah kala sameynin baaritaanka, isla markaana uusan waydiin wax su'aallo "taasoo hoos u dhigeysay heerka isku haynta warbixinta".

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay safka hore kaga jira musuqmaasuq, halkaas oo la rumeysan yahay in mas'uuliyiinta ay dhaqaalo ku bixiyaan sidii ay dib ugu hanan lahaayeen kuraastooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM