Gollaha Iskaashiga maamulada oo lumiyay garab kale oo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa lumiyay garab kale oo muhiim ah markii uu Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] uu ku guuleystay doorashadda Madaxwaynaha cusub 19-kii bishaan.

Madaxwaynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar sii horeysay ka goostay maamuladda, iyo Isbahaysigii Kismaayo lagu aas-aasay 2017, markii uu shaaciyay inuu heshiis la gaarey dowladda dhexe, oo uu xusay inay isku afgarteen arrimo badan.

Golluhu marnaba ma uusan ka hadlin guusha Lafta Gareen, taasoo calaamad su’aal wayn dul-saareysa wadashaqeyn dhexmarta, inkastoo guud ahaa siyaasadda aysan lahayn saaxiib ama cadow joogto ah.

Tani ayaa ka dhigan in Gollaha haatan ay kusoo harayaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada saddex maamul goboleed oo labo kamid ah dhowaan geli doono doorashooyin iyaga oo wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya dhinaca Villa Somalia.

Intaasi waxaa dheer, in maamuladda dalka ka jira ay dhinacooda labo garab yihiin - Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo isku dhinac ah iyo Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle oo dowladda dhexe la safan.

Kolkii hore - maamulada iyo dowlada Dhexe ayaa isku qabteen qodobo aad u culus oo masiiri ah, tusaale ahaan inay faragelinta ka dayso arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyadda sida doorashooyinka iyo qeybsiga khayraadka dalka iyo deeqaha dibadda.

Puntland oo 8-da bisha January 2019 coddeyn loo madalsan yahay, Jubbaland oo sanadka 2019 doorashadda madaxtinimada iyo Galmudug oo labo garab u kala qaybsan ayay calaamad su’aal hadii Iskaashigooda sii jiri karo.

Villa Somalia ayaa haatan u muuqata mid aad ula dhacsan sidda ay haatan wax u socdaan iyo isbedellada dhinac hogaanka ee ka dhacaya dowlad goboleedyada uu khilaafka siyaasadeed kala dhaxeeyay, inkastoo aysan ogayn noqon doonaan madaxda cusub.

Cabdiweli Gaas oo Shantii sano ee lasoo dhaafay ku guuldareysto inuu fuliyo balanqaadyadii uu u sameeyay shacabka Puntland ayaa dhawaan isku soo taagan doorashadda soo socota, isagoo doonaya in shan sano oo kale xukunka sii hayo.

Axmed Madoobe oo halgan xoogan ugu jira sidii uu u difaacan lahaa kursigiisa ayaa cadaadis siyaasadeed oo adag kala kulmaya madaxda dowladda dhexe oo u hanqaltaagaya inay hogaamiye kale oo ay wadato ku bedesho.

Dadka siyaasadda Soomaaliya taxliiliya waxay sheegayaan, in dowladda oo sida la arkay ku dhibtootay inay Koonfur Galbeed gayso siyaasi ku feker ah, ay iska cabin aan la dhayelsan karin kala kulmi karto maamulada kale.

Sikastaba ha ahaatee, hadii Villa Somalia ay gacanta ku dhigto mid kamid ah maamulada doorahsooyinka galaya waxay dharbaaxo culus ku noqon kartaa Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda, oo hadda qarka u saraan inuu burburo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM