Gollaha Shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda DF Soomaaliya ee 2018

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta meel-mariyay Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka 2018-ka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu ansixiyay Miisaaniyadda waxaa shir gudoomiyay Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, waxaana soo xaadiray 164 Xildhibaan.

Waxaa ogolaaday Miisaaniyadda cusub 162 Mudane, halka mid uu diiday, midka kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Muudey markii ay soo idlaatay codeynta.

Miisaaniyadda 2018-ka waxaa ka taagnaa mudooyinkii dambe dood adag, oo ku saabsan qaabka loo qoondeeyay, kadib markii wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu kusoo daray canshuur laga qaadayo Gunooyinka Xildhibaanada.

Beyle wuxuu sheegay in miisaaniyadda cusub ay gaaraysa 274 Milyan oo doolar, maadaama lagu soo kordhiyay 14 Milyan oo doolar tii hore ahayd 260 Milyan.

Sare u qaadista Miisaaniyadda ayaa ka damabaysa dhaqaalaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku bayaxa iyo mushaaraadka Senetarada, taasi oo aan horey uga mid ahayn miisaaniyadii dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM