Gollaha Wasiirada HirShabeelle oo lagu dhawaaqay [Akhri Liiska]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhaw ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiiradda cusub mudooyinkii dambe dib u dhigayay Khilaaf ka taagnaa dhanka awood-qeybsiga.

Gollaha Wasiirada cusub oo la sheegay inay ka kooban yihiin 20 Wasiir, ayaa waxaa kusoo dhex-muuqday xubno horey uga soo mid noqday Xukuumadii Madaxweynihii  hore ee maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa isku hayay maalmihii dambe halka Wasiirada laga soo xulayo, iyadoo taasina ay caqabad ku noqotay magacaabista Gollaha, oo aad loo wada sugayay.

Lama oga in Baarlamaanka uu ansixin doono iyo in kale, iyadoo aan wali cadeyn in Xildhibaanada ay kamid yihiin Gollaha Wasiirada cusub ee uu maanta ku dhawaaqay Madaxweyne Waare.

Hoos ka akhri Liiska:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM