Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansxiyay Safiirro cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ansxiyay Safiiro cusub oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Danjirayaasha cusub oo ka kooban 3 xubnood ayaa mid kamid ah waxay tahay Haweeney, halka labadda kale ay yihiin Rag, waxaana wali la shaacin dalalka ay ku metali doonan Soomaaliya.

Wasiiru dowladaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa magacyadda Danjirayaasha cusub ku kala sheegay; Marwo Xaawa Xasan Maxamed, Dr Ibraahim Isxaaq iyo Cabdiwali Jeylaani Xaaji Cabdow.

"Safiiradaan cusub waxay ku biirayaan kuwa horey loo magacaabay. Dalalka ay Soomaaliya ku metali doonan waxaa lagu soo saari doonaa fafaainta rasmiga ah," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiiru dowladaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Safiiradda cusub ayaa sidoo kale u baahnaan doona inay ogolaansho ka helaan dalalka loo magacaabay.

Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horey u meel-mariyeen dhowr Safiiro tan iyo markii uu Farmaajo la wareegay talada dalka sanadkii tagey.

Safiiradda waxaa ku jira kuwa si gaar ah uu u wato Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Villa Somalia, oo hadda laga dhigau ku xigeenka Taliyaha NISA, kuwaasoo kala ah Safiiradda Qadar iyo Eithiopia. 

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili dowladda Farmaajo ay ku eedeeyeen Xilldhibaano ka tirsan dowladda inay ku xadgudubtay heshiiska awood-qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed, kaasoo lagu gaarey Magaalada Carte ee dalka Jabuuti.

Xilldhibaan ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu Shaqsiyaad ay isku reer yihiin u magacaabay xilal kala duwan, islamarkaana ka qaadey beelihii horey ugu helay hanaanka awood qeybsiga dalka ee 4.5.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM