Goorma ayuu furmayaa shirka 4aad ee Gollaha Iskaashiga maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka cusub ee Gollaha Iskaashiga Maamul goboleedyadda Soomaaliya, ahna Wasiirka Dasuurka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu Garowe uga furmayo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Shirka oo ah kii 4aad ee madaxda dowlad goboleedyadu yeeshaan tan markii ay la dhisay October 2017 ayaa markii hore la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bishaan, balse sababo aanan la shaacin dib loogu dhigay, sida uu sheegay Afhayeenka.

Wasiir Xasan ayaa gaashaanka ku dhuftay in baaqshada shirka ay keentay kala aragti duwanaansho oo kala dhex-gashay hogaamiyaasha afarta ah ee ku midaysan Gollahani, isagoo ku nuux-nuux saday in shirka uu qabsoomi doono 15-ka bishaan.

"Ma jiro wax baaqasho ah oo shirka ku keenay khilaafka la sheegayo. Shirka wuu furmayaa xiliga loo mudeeyay," ayuu yiri Afhayeenka maamuladda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale, Xasan oo wax laga waydiiyay doorashada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhisitaanka Guddiga qaban-qaabada Doorashada oo aanan wali la dhisin ayaa tilmaamay in aanan loo baahneen deg deg, isaga oo tibaaxay in dhowaan la dhisi doono.

"Doorashada waxaa ka harsan wax ka yar 40 maalmood. Sidaas darteeda ma ahan inaan deg degno. Howlaha Guddiga saddex maalmood ayaa lagu soo afjari karaa. Marka waan la sameyn doonaa, murashaxiinta ha iska wataan olalahooda," ayuu ku daray.

Shirka Garowe ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan madaxda maamul goboleedyada uu muda-xileedkoodu dhamaaday, islamarkaana ay ku jiraan olole doorasho, oo ay ku doonayaan in dib markale loo doorto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM