Guddiga DF Soomaaliya ee shirka Jabuuti oo u jawaabay Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddigii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku metelayey shirkii Jabuuti ee wadahadalka Somaliland ayaa ka jawaabay eedeynta uga timid madaxweynaha maamulkaas, Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa markii uu maanta dib ugu laabtay magaaladda Hargeysa wuxuu guddiga ku sifeeyay "kuwa aanan faham-saneyn waaqica jira".

Dhaliishaan ayuu jeediyey xilli uu tusaaleynayey sababaha keenay kala-kac dhowr jeer yimid mudadii afarta maalmood ee wadahadalku socday.

Qodobka ugu culus ee leysku mari-waayey isla markaana loo saarey guddi gaar ah oo Jabuuti ku shiri doona laba asbuuc kadib ayaa ah isu socodka siyaasiyiinta xilalka ka haysa xukuumadda federaalka iyo Somaliland.

Jabuuti iyo Mareykanka ayaa ku dedaalay in uusan burburin shirka isla markaana is-afgarad ay kala saxiixdaan dhinacyadda. Qodobada horu-dhaca ah ee lagu heshiiyey waxaa kamid ah in lasii waddo wadahadalka.

"Biixi waa in uu la laabtaa arrintaas"

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya kana mid ah xubnaha guddiga farsamo ee dowladda federaalka ku metelay wadahadalka, ayaa waxbo kama jiraan ku qeexay eedeynta Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka oo qalinka ku duugay heshiiska horudhaca ah iyo xubnaha kale ee wafdiga dowladda ayaa galabta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo guddigu qabtay, Sabriye oo si kooban uga falceliyey dhaleeceyntaas ayaa ugu baaqay Biixi in uu ka laabto hadalkaas.

"Walaalow, madaxweynaha Somaliland aniga uma hadli karo, mawduucyadda meeshaas looga hadlayey mawduucyo cad-cad ayay ahaayeen, waa la calaameeyay, ajandaa la dhigay wax hadda ama ayagga ama annaga nagu baaqsoonaa wax horey u dhacay ah ma jirin…qolo walba waxay la timid file-lalkii sideedii shir ee lasoo dhaafay iyo wixii lagu heshiiyey, wixii laga wada hadlayey, waqtiga, meeshii lagu qabtay iyo ciddii qabaneysay, markaa hadii madaxweynuhu sidaas yiri waxaan jeclaan lahayn in uu dib ula laabto arrintaas," ayuu kaga war-celiyey su'aal ay saxaafaddu ka waydiisay hadalka Biixi.

Isu jawaabida durba soo ifbaxday kadib shirka Jabuuti ayaa la rumeysan yahay in ay abuuri karto xaalad kale oo saameyn karta kulanka la filayo bisha dambe.

Shirka lagu soo gabagabeeyay Jabuuti ayaa waxaa qaban-qaabisay Itoobiya; Jabuuti waxay ka ahayd martigeliye iyo shir-gudoon, halka Mareykanka uu korjoogto ka ahaa, waxaana kasoo muuqdey wakiiladda Beesha Caalamka.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM