Guddiga doorashooyinka oo lagu cambaareeyay dalab uu gudbiyey

Soomaliya
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
Guddigan dhex-degan Villa Soomaaliya ayaa lagu waaniyey in uusan meel uga dhicin dhexdhexaadnimada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ee dalka Soomaaliya ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay dalab uu Axada maanta ah u gudbiyey baarlamaanka federaalka ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa looga codsaday Golaha Shacabka in uu dedejiyo ansixinta dib-u-eegista sharciga xisbiyadda badan, iyadoo ay jiraan xeerar kale oo lagu muransan yahay.

Xeerarka aan wali lagu heshiin waxaa kamida midka doorashooyinka oo madaxweyne Farmaajo saxiixay bil kahor, isagoo iska indhatiray baaqyada dib-u-dhigista si looga wadatashado.

War-saxaafadeedka guddiga oo xisbiyadda ku booriyey in ay soo buuxiyaan shuruudaha ku harsan ayaa lagu soo dhaweeyay talaabada Farmaajo oo ay ku sifeeyeen "mid taariikhi ah".

"Jahwareerin"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo su'aal ka keenay waxa xiligaan kusoo beegmay soo dhaweynta ayaa guddiga ku booriyey in uusan meel uga dhicin dhex-dhexaadnimadda.

"Bil ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynaha saxiixay sharciga doorashooyinka. Su’aashu waxay tahay maxaa maanta ku soo beegay in Guddiga Doorashooyinka uu soo dhoweeyo meelmarinta sharciga doorashooyinka? Guddiga waa in uusan noqonin garab ka tirsan Xooggaga Wadaniyiinta, shacabkana jahwareerin," ayuu kusoo qoray Facebook.

Hogaamiyaha xisbiga haysta shahaadaha ku meelgaarka ah ee Wadajir ayaa ku nuux-nuux saday in hogaanka Villa Soomaaliya aan laga "yeeli doonin" muddo kororsi".

"Way cadahay in hogaanka Dawlada Federaalka ah uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah, muddo kororsina laga yeeli mayo. Haddaba si dalka doorasho xikigeeda ku dhacda looga qabto waxaan la huri doonin in lagu noqdo qaabkii 2016 oo wax lagu daray," ayuu ku daray.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa ku jira shaki baaxad weyn maadaama aysan muuqan diyaar-garow, sidda ay sheegtay Puntland.

"Jid-gooyo labaad"

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, ayaa dhawaqa guddiga ku sifeeyay "jid-gooyo labaad oo la doonayo in lagu fashiliyo wadahalada uu ku casuumay dowladda iyo maamulada".

Martiqaadkaas ayaa kamid ahaa qodobadii kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland, oo soo jeediyey in maamulka fidiyo gogol lagu xal looga gaaro "siyaasadda cakiran ee ka taagan".

Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska Deni ayaa lagu muujiyey diidmadda Puntland ee warka kasoo yeeray guddiga doorashooyinka Qaranka ee dhex-degan Villa Soomaaliya.

"Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen," ayuu Deni ku yiri war-saxaafadeedka.

Beesha Caalamka oo ku baaqdey in nidaamka doorashooyinka uu noqdo mid loo dhan yahay ayaa hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ku boorisay in wadahadal ku dhameeyaan khilaafka.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayaan siddii ay kuraastooda u difaacan lahaa doorashada soo aadan, isla markaana isku koobeen go'aanada masiiriga ah.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey