Guddiyada doorasho ee Rooble shaaciyey oo la kulmay waji gabax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha qaar ee guddiyada doorashooyinka heer federaal ee ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii liiskooda la baahiyey waxay ka kulmayaan weji gabax iyo cambaareyn kulul.

Rooble ayaa u muuqda mid isku caddeynaya in uu dhabaha u xaarayo sidii uu u dhisi lahaa madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, arrintaas oo su'aal gelineysa in uu si hufan ku maamuli doono coddeynta isha lagu hayo.

Xisbi siyaasadeedka Wadajir ee uu hogaamiyo murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta duray guddiyadda doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay "intooda badan" xubnaha guddiyada heer federaal iyo heer gobol ay ku yimaadeen rabitaanka kooxda talda haysa ee waqtiga kasii dhamaanayo.

"Inta badan, xubnaha guddiyadda la magacaabay ayaa ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka [NISA], halka kuwa kalana ay ku caan baxeen taageerada madaxweynaha iyo aflagaadeynta mucaaradka ee baraha bulshadda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhawaqaan ayaa yimid saacado kadib markii Warsame uu ciwaanadiisa baraha bulshada ku shaaciyey in dhamaan xubnaha guddiyada ay soo dhiseen Galmudug iyo HirShabelle ka tirsan yihiin hay'adda NISA.

Xubnaha Puntland iyo Jubaland ayaanan lala xiriirin karin Villa Soomaaliya maadaama maamuladan uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhaxeeya dowladda Farmaajo.

Geesta kale, afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo bayaan soo saarey, ayaa carabka ku adkeeyay in aan lagala talogelin magacaabida xubnaha guddiga doorashada Xildhibaanada gobolada waqooyi.

Senator Xaashi ayaa ka dhawaajiyey in xubnaha uu shaaciyey Rooble ay isugu jiraan shaqaale ka tirsan Villa Soomaaliya iyo xubno kamid ah hay'adda NISA ee uu hogaamiyo Fahad Yaasiin Daahir.

Rooble ayuu ku eedeeyay in uusan kusoo darin liiska magacyadda "uu gacanta u geliyey" 2-dii November. Kulankaas ayuu tibaaxay in uu ahaa midkii ugu horeeyay oo ay yeesheen tan iyo markii la magacaabay wasiirka koowaad.

Dhanka kale, bayaanka Wadajir ayaa lagu diidey magacaabida Ra'iisul Wasaare Rooble ee xubnaha guddiyada doorashooyinka xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka kana soo jeeda Somaliland.

Sidda ku cad qoraalka, magacaabidan ayaa baalmarsan qodobada 9aad iyo 10aad ee habraaca fulinta heshiiska doorashada kuwaasoo xeerinaya in xubinimada guddiga ku xiran tahay qodobo hufnaan ku jirto.

"Hadaba xisbiga Wadajir wuxuu ku baaqayaa in dib loogu noqdo magacaabida guddiyadan lana waafujiyo shuruudaha heshiiska doorashooyinka lagana tashado saamileyda siyaasadeed ee doorashadu si tooska ah u khuseyso, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada kalsoonaan karo," ayaa lagu soo xiray.

Villa Soomaaliya oo faragelisay soo xulista xubnaha guddiyada Galmudug, HirShabelle, Somaliland iyo Koonfur Galbeed ayaa soo liis-gareysatay xubno u jaranjeera dhankeeda si ay u fuliyaan qorshaha dib u doorashada Farmaajo.

Hoos ka akhriso bayaanka Xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM