Guddoomiye Mursal oo Magacaabay Lataliye sare [WAREEGTO]

Image

MUQDISHO, Somalia - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo saarey wareegto uu ku magacaabey la-taliye sare oo dhinac saxaafadda u qaabilsanaan doona.

Sida ku xusan wareegatadda, oo ku taariikhaysan 26-ka January, Liibaan Maxamed Xuseen, ayaa loo magacaabey la-taliye sare gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee arrimaha Saxaafadda.

Mursal ayaa bishii August 2018 u magacaabey C/qaadir Maxamed Nuur [jaamac] inuu noqdo la-taliye sare xafiiska Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Somalia.

Maxamed Mursal Sheekh iyo Jaamac ayaa horay u soo wada shaqeeyay, gaar ahaan xilligii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, waxaana magacaabistiisa timid saacado kadib markii laga qaadey Jaamac xilka taliye-ku xigeenka NISA.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM