Guddoomiyaha Xamarweyne oo lagu xiray xarunta CID-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo kala duwan, guddoomiyaha degmada Xamar Weyne, Cumar Shariif Maye oo loo yaqaanno Cumar Shariif Jeeg ayaa galinkii dambe ee shalay lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Weli lama sheegin sababta loo xiray, maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliskana kama aysan hadlin,

Warqad uu ku saxiixan yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa shalay shaqada looga joojiyey Cumar shariif Jeeg, ayadoo lagu eedeeyey in uu "si bareer ah uga been sheegay booliska qaranka, kuna tilmaamay in aan lagu aamini karin amniga dalka, ayna iyagu keenaan qaraxyada".

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay "in maamulka gobolka Banaadir inuu ka jiro musuqmaasuq, xukuumadda Khayre-na uu ku tilmaamay inay tahay xukuumadda ugu musuqmaasuqa badan & in dalka aysan wax dawlad ah ka jirin".

HOOS KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM