Guddoonka Golaha Shacabka oo tegay shirka murashaxiinta ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray shirka murashaxiinta madaxtinimada ee maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta shirkaan xoojiyey ayaa kala ah; Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee isla golahaas, Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri: "Guddomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli Shekh Ibraahim Muudaey Ayaa Caawa Shir Guddomiyey Ka Qaybgalay Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee Doorashada Dalka Oo Maalinti Seddacaad Uga Socda Magaalada Muqdisho".

Lama ogga hadii ka qeybgalkooda shirkaan uu yahay qorshe ay la og-yihiin madaxda dowladda federaalka ee waqtiga gabaabsiga ka yahay. Mursal iyo Muudey waxay gacansaar la leeyihiin Villa Soomaaliya.

Shirka murashaxiinta oo dib uga dhacay qorshihiisa in maanta lasoo gabagabeeyo waxaa maanta tegay afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Hasa ahaatee, lama soo bandhigin fahfaahinta.

Talaabada ay qaadeen Mursal iyo Muudey ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jiraan warar sheegaya in xubno ay gudbiyeen aanan lagu soo darin guddiyada doorashooyinka ayna arrintaas isku qabteen madaxda dowladda.

Wada-xaajoodyadda murashaxiinta oo cadaadis xoogan ku haya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad looga dhur-sugayaa go'aanadda kasoo baxa kuwaasoo isbedel ku sameyn kara jihada siyaasadeed ee dalka qaadanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM

Fiqi oo Sheegay Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-Shabaab kadib weerarkii Godka Jilicow

Inkasta oo Wasiir Fiqi uu sawiray sawir rajo leh, haddana mucaaradka siyaasadeed ayaa hakiyay dibadbax ay qorsheynayeen.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 06:11AM