Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo Isku-day dil ka badbaaday

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi Calii Jeyte Cismaan uu saaka ka badbaaday isku-day dil kadib markii lagu weeraray duleedka Beledweyne.

Sarkaal katirsan maamulka gobolka, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Kolonyo uu la socday gudoomiyaha ay jidka u galeen xoogaga Al Shabaab, xilli uu ku wajahnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo galbinayay gudoomiyaha ayaa iska-caabiyay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Kolonyada, kadib markii ay dagaal daqiiqado socday ay la galeen, iyadoo iska hor-imaadka uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Mas'uuliyiinta la socday ayaa la sheegay inay bad-qabaan, oo wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka Al Shabaab, waxayna si nabad ah ku gaareen degmada Maxaas oo markii hore kusoo jeedeen.

Gobolka Hiiraan degmooyinkiisa waxaa saaran xayiraad iyo go'doomin tan iyo 2014-kii markii Al Shabaab laga saarey guud agaan degmooyinka, waxayna Kooxda gacanta ku haysaa deegaanada isku xira degmooyinka.

Cali Jeyte ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare bishii September, kadib markii xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM