Hogaanka Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay hogaanka sare ee Xisbiga Wadajir, ee uu aas-aasay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay xariga Gudoomiyiha xisbiga Kamaal Guutaale iyo Xoghayahiisa Sayid Cali Maclin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay labada mas'uul kala soo baxeen Hotel-ka Makka Al Mukarama oo shir ay ku lahaayene maanta xubnaha xisbiga Wadajir.

Hogaanka NISA ma fahfaahin sababta ka dambaysa xariga Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali, balse warar Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay inay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Xisbiga Wadajir ayaa mudooyinkii dambe wadey dacwad ka dhan ah mas'uuliyiin katirsan dowladda ee mas'uulka ka ahaa weerarkii lagu qaadey xarunta Xisbiga ee Muqdisho 17-kii December, ee 2017-kii.

Howlgalkaasi oo dhacay xilli habeen ah waxaa lagu xiray Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo ah aas-aasaha iyo musharaxa Xisbiga, iyadoo sidoo kale ay ciidamada NISA ku dileen 5 kamid ahaa ilaaladiisa iyo qof shacab ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose

Tusaale ahaan, 13-kii September, nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa ku dhintay duqeyn Mareykanku fuliyay.

  • Soomaliya

    22-10-2025

  • 06:55PM

Soomaali badan oo u socdaalayey Hargeysa oo ku xaniban garoomo caalami ah kadib go'aan kasoo baxay DFS

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in rakaabku maalmo badan ku xanibnaayeen garoomada, kadib markii nidaamka online-ka ee Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    22-10-2025

  • 08:54AM