Hogaanka Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay hogaanka sare ee Xisbiga Wadajir, ee uu aas-aasay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay xariga Gudoomiyiha xisbiga Kamaal Guutaale iyo Xoghayahiisa Sayid Cali Maclin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay labada mas'uul kala soo baxeen Hotel-ka Makka Al Mukarama oo shir ay ku lahaayene maanta xubnaha xisbiga Wadajir.

Hogaanka NISA ma fahfaahin sababta ka dambaysa xariga Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali, balse warar Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay inay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Xisbiga Wadajir ayaa mudooyinkii dambe wadey dacwad ka dhan ah mas'uuliyiin katirsan dowladda ee mas'uulka ka ahaa weerarkii lagu qaadey xarunta Xisbiga ee Muqdisho 17-kii December, ee 2017-kii.

Howlgalkaasi oo dhacay xilli habeen ah waxaa lagu xiray Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo ah aas-aasaha iyo musharaxa Xisbiga, iyadoo sidoo kale ay ciidamada NISA ku dileen 5 kamid ahaa ilaaladiisa iyo qof shacab ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM