Gudoomiye cusub oo loo magacaabey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay Gudoomiye cusub u magacawday Bangiga Dhexe ee dalka, oo mudo hal sano ah hogaan la'aan ahaa.

Nin lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa labadii sano ee ugu dambeysay la-taliyaha dhinaca dhaqaale Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilkan loo magacaabey, iyadoo la filayo in Gollaha Wasiiradda ay ku dhawaaqaan magacaabida.

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa madaxda Villa Somalia la raadinayeen inay u dhiibaan nin u dhashay Ingiriiska, kaasoo dartiisa loo bedalay xeerarkii hay'addan lacagta, waxaana ka dhashay dood adag oo Baarlamaanka dhexdiisa ah.

C/raxmaan ayaa la sheegay inuu yahay shaqsi kasoo jeeda gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana ay saaxibo dhaw yihiin Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM