Aqalka sare oo lagu wareejiyey tabashooyinka Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Gollaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa si rasmi ah loogu wareejiyo qoraal ka yimid hogaanka ugu sareeya ee maamulka Galmudug.

Qoraalka oo loosoo dhiibey Guddi uu Gollaha Aqalka Odayaasha udirey Dhuusamareeb, xarunta dowlad goboleedkani, ayaa waxaa ku xusan dhamaan tabashooyinka uu maamulka ka qabo dowladda Federaalka.

Guddiga loo direy Galmudug oo ka koobnaa Mudanayaal Senate-ka ka tirsan ayaa inta badan waxay kasoo jeeda degaanada maamulka, waxayna ka dambeysay markii uu xumaadey cilaaqaadka maamulada iyo dowladaha Federaalka.

Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo kamid ahaa xubnaha Guddiga, kaasoo saxaafada uga warbixiyey socdaalkooda Galmudug ayaa tibaaxey inay lasoo shireen Madaxwayne Xaaf, Madaxa xukuumada iyo masuuliyiin kale.

Kulamada ay la yeesheen dhinacyadda kala duwan, kuwaasi oo ahaa is-xogwareysi ayuu cod dheer ku sheegay Senator Qeydiid inay salka ku hayeen sidii xal-waara loogu heli lahaa khilaafka taagan.

“Waxaan soo uruuriney waxybaaha ay ka tabanaya madaxda Galmudug. Waxaana si rasmi ah ugu wareejineynaa gudoonka Gollaha Aqalka Sarre,” ayuu hadalkiisa udhigey Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qeydiid].

Ugu dambeyn, Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa daboolka ka qaadey in Gudoonka Gollaha uu kasoo saari doono warbixin rasmi ah oo fahfaahsan oo ku saabsan tabashooyinka maamulada guud ee dalka.

Khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka jira, kaasi oo udhaxeeya maamuladda iyo dowladda Federaalka ayaa sababey inay hakad galaan howlo faro badan, kuwaasi oo muhiim u ahaa Geedi usocodka dowladnimada wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM