Halis 'ka dhalan karta' hadaan laga heshiis doorashada oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shakiga ku geedaaman in ay xiligooda dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2020-21 ayaa sababi karta xasilooni darro siyaasadeed, sidda uu ka digay Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa xusay in aysan aqbali doonin muddo kororsi ay sameystaan madaxda talada haysa.

Shirka jaraa'id ayaa ka dambeeyay kadib kulan ay la yeesheen guddoonka Aqalka Hoose oo fariin ka siday hogaanka dowladda federaalka ah.

Wada-xaajoodkaas ayuu daaha ka rogay in ay salka ku hayeen siddii looga wadahadli lahaa coddeynta oo uu carabka ku adkeeyay in aysan noqon karin qof iyo cod.

"Hanaanka dowladnimadda Soomaaliya wuxuu soo maray maraaxiil kala duwan, wuxuu marayaa mar-xalad xasaasi ah; hadaan la helin xasilooni siyaasadeed, hadaan la helin wadahadal iyo is-faham, sharciga waqtiga loo asteeyay hay'addaha dastuuriga uu dhamaado, maxaa ka dhici doona dalkan yaa yaqaano? Mugdigaas iyo walalkaas waxay keenayaan xasilooni darro," ayuu yiri, isagoo xoojiyey baahida loo qabo wadahadal laga galo doorashooyinka.

Dhankooda – Madasha Xisbiyadda Qaran – ayuu carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo ay la yeeshaan "cid kasta oo muhiim ah".

Intii uu socday kulan saxaafadeedka, Shariif ayaa soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay Aqalka Sarre ee ku saabsanaa in dowladda, maamulada iyo daneeyeyaasha ka tashadaan nooca doorashadda dhamaadka sanadkan.

Go'aankaas ayuu ku sifeeyay "mid geesinimo leh", isagoo ku bogaadiyey gudoonka Aqalka Sarre oo dhexdooda ay soo if-baxday in ay is-khilaafeen.

Qaramadda Midoobay, Golaha Ammaanka UN-ka iyo Midowga Afrika ayuu ugu yeeray in ay dalka ka saaraan ciidamadda aan kamid ah AMISOM isla markaana "lagu xisaabiyo oo cadaalada la mariyo falalka ay geysteen".

Barnaamijka is-dhexgalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea iyo "dekadaha la bixiyey" oo uu sheegay in uu "mad-madow badan ka jiro" ayuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo u caddeeyo shacabka Soomaaliyeed.

Kaalin ay dalalka shisheeye si gaar ah deriska ku yeeshaan wadahadalka dowladda iyo Somaliland ayuu cod dheer kaga hor-yimd, isagoo ku qeexay "talaabo xadgudub ku ah madax-banaanida iyo qaranimadeena".

Ugu dambeyntii, hanaanka xisbiyadda badan ee hadda ka tisqaadey dalka ayuu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la xoojiyo "maadaama uu dhiiragelinayo in dadka isku doortaan afkaar, balse aysan isku dooran qabiil".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM