Hanti Dhowraha guud ee dowlada Federaalka Somalia oo xilka laga qaadey

Image

MUQDISHU- Kulan golaha xukuumada dowlada Federaalka Somalia isugu yimadeen caawa ayaa waxaa xilka looga qaadey Hanti dhowraha qaranka kadib markii ilaaladiisa dishey habeenkii xalay wasiirka howlaha guud ee dowlada Somalia.

Kulankaan oo uu shir gudoominayey Ra'isal wasaraha Somalia Xasan Khayre ayaa dood dheer kadib waxaa lagu go'aamiyey in xilka laga qaado Hanti dhowraha dowlada Federaalka ah.

Wararka warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in xil ka qaadista loo cuskadey kadib markii uu soo galey baaritaanka ku saabsan dilka loo gaystey wasiirka howlaha guud ee dowlada Federaalka Somalia. 

Qodobada loo cuskadey xil ka qaadista Hanti Dhowrka qaranka ayaa waxaa kamid ah: 

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado.

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas. 

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Hanti dhowrka ayaa ku gacan sayrey xil ka qaadista lagu sameeyey isaga sheegey in xasaanada ay siiyeen Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM