Heshiis Wasaaradda difaaca Soomaaliya la gashay SKA oo la laalay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Heshiis qarsoodi ah, oo la sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiiga la gashay Shirkadda Ajnabi ah, oo ka diiwaan-gashan dalka Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo saarey ku-xigeenka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Idan Yoonis ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan uu yahay Heshiiska, maadaama aan loo marin habraacca Iibka qaranka ee ay dejisay Wasaaradda Maaliyadda.

War Saxaafadeedkan ayaa lagu beeniyay Warbixinta Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da baahisay shalay, taasi oo lagu sheegay in heshiiska SKA uu yahay mid ka caawinaysa Wasaaradda difaaca inay sahayda gaarsiiso goobaha Ciidamada ku sugan yihiin.

Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod], ayaa VOA u xaqiijiyay Heshiiska, kaasi oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah dowladda, oo dhibaato ka haysata sidii Zaadka ku gaarsiin lahayd ay Ciidankeeda ku kala sugan goobaha Al Shabaab laga saarey.

Warbixinta ayaa lagu wareystay mas'uuliyiin kala duwan, oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Maaliyadda kaasi oo sheegay inuusan waxbka kala socon Heshiiska. Halkan ka akhri. 

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM